Ciidanka Qaranka oo Soo Bandhigay Xogo iyo Gaadhi ay ka Qabsadeen Puntland

0
798

Laascanood (Dawan)- Taliyaha Ciidanka qaranka Somaliland ee aagga bari Sarreeye Guuto Cali Barre Xuseen iyo maamulka gobolka Sool ayaa soo bandhigay gaadhi nooca loo yaqaan VX Laangaruusal (Calawi) ah iyo qoraalo sir ah oo ay ku qabsadeen dagaal jid gooyo ah oo ay ku soo qaadeen Ciidanka Maamulka Puntland ee Dalka Soomaaliya .

Taliyaha Aagga Barri ee Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Sarreeye Guuto Cali Barre Xuseen oo uu weheliyo Guddoomiyaha Gobolka Sool, Cabdiqani Maxamed Jiidhe ayaa shalay si wadajir ah u soo bandhigay Baabuur ay dorraad gacanta kaga dhigeen maleeshiyaadka Puntland oo Millatariga Somaliland uu tallaabo adag ka qaaday ka dib markii ay isku dayeen in ay jidgooyo ka galaan dhinaca bari ee gobolka Sool.

Sarreeye Guuto Cali Barre Xuseen oo arrimahaa ka hadlayaana waxaa uu yidhi “Waxaanu ka qabsanay Gaadhi, gaadhigii labaadna Celaalyo ayuu dhaawac ku gaadhay , waxaan filaynay Xukuumaddii hore ee tagtay in ay tani caqli dhaanto ama ay la imanayaan wax ka duwan wixii hore, laakiin iyadiina waxay bilowday Weerar iyo Jid-gooyooyin , annagu diyaar ayaanu u nahay Difaac dalka.”

Guddoomiyaha gobolka Sool, Cabdiqani Maxamuud Jiidhe ayaa sheegay in ciidanka qaranka Somaliland ay gacanta ku dhigeen gaadhi iyo xoggo kale, waxana uu yidhi “Gaadhi Langaruus ah oo Cusub ayey ka carareen, kii kalena wuu ka gubtay, annagu kuma farxayno dhiigooda, laakiin wixii mayd iyo dhaawac ah way gurteen, waxaanu gacanta ku haynaa waraaqo cadayn ah, waxaanu uga digaynaa mar labaad in Soomaaliya ay ka waantowdo fara gelinta qaawan ee ay ku hayso Somaliland. Waxaan hadalkayga ku soo gunaanadayaa, Dani Waxa aan leeyahay waxaad dawladnimadaadi ku daah-furtay dulinimo.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply