Xukuumadda oo Biyo Dhaamis ka Bilowday Qaarka Mida Gobolada Dalka

0
637

Hargeysa (Dawan)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sheegtay in ha’yaddihii ay ka dalbatay in ay gacan ka gaystaan biyo yaraanta soo food saartay qaar ka mid ah deegaanada iyo gobolada dalka, ay ka soo jawaabeen islamarkaana ay bilaabeen qaybinta biyaha .

Guddoomiyaha ha’yadda barakacayaasha iyo qaxoontiga Somaliland, Cabdikariim Axmed Maxamuud (Xinif), ayaa sheegay in ay biyo gaadhsiyeen toban kun iyo boqol iyo kunton qoys, kuwaasi oo ku nool deegaano ka mid ah gobolada Saraar, Sool, Sanaag, Togdheer iyo Saaxil, gaar ahaan dadka ku jira kaamamka barakacayaasha ee ku yaal goboladaas.

Guddoomiye Cabdikariin oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa aannu ha’yaddaha isla eegnay dhulka ugu daran ee ay biyo la’aantu hadda ka jirto, siiba dhulka barakacayaasha ah oo aanu doonayno in ay gaadhsiiyaan, inta aan hore loo gaadhsiin.

Saddex boqol iyo siddeed booyadood ayey ka faa’idaysanayaan dadka aanu ugu talo galnay oo ay tiradoodu dhan tahay toban kun iyo boqol iyo konton qoys.”

Guddoomiyaha ha’yadda barakacayaasha iyo qaxoontiga Somaliland, Cabdikariim Axmed Maxamuud (Xinif) ayaa ugu baaqay ha’yaddaha doonaya in ay biyo gaadhsiiyeen dadka ay biyo yaraantu soo foodsaartay in ay yimaadaan xarunta ha’yadda barakacayaasha iyo qaxoontiga, si ay isula eegaan meelaha iyo goobaha sida weyn ugu baahan biyaha, waxaanu yidhih “Waxaanu ka codsanaynaa ama faraynaa ha’yaddaha, ciddii doonaysa in ay biyo qaybiso in ay yimaadan xarunta Ha’yadda baracakayaasha iyo qaxoontiga, si aynu u wada qorshayno deegaannada la geynayo oo aan aanay meelo hore biyo loo geeyey ugu celcelin.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply