Itoobiya oo Farmaajo u Xaqiijisay in la sii Wadayo Mashaariicda Horumarinta Dekedda Berbera

0
537

ADDIS ABABA (Dawan)- Dawladda Itoobiya ayaa u bayaamisay Madaxweynaha Dawladda taabka gaaban ee Soomaaliya, Maxamed Cabdilaahi Farmaajo in la sii wadayo mashaariicda wadajirka ah ee lagu horumarinayo dekedda Somaliland oo ay hore uga soo horjeedsatay dawladiisu heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee ay wada galeen Somaliland, Itoobiya iyo Shirkadda DP World ee ku wajahnaa casriyeynta marsadda Berbera.

Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo shalay xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayey ka wada hadleen iskaashiga labadooda dal u dhexeeya iyo arrimaha Gobolka, waxaana loo xaqiijiyey Soomaaliya in xidhiidhada Somaliland uu saacidayo Nabadgelyada Mandaqada Gobolka oo dhan.

Qoraal maanta lagu baahiyey barta Facebook-ga ee Xafiiska Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya ayaa lagu sharraxay qodobbadii ay ka wada-hadleen Farmaajo.

“Wada-hadalkaas waxa xoogga lagu saaray Afar Qoddob oo kala ahaa Ammaanka Mandaqada, Heshiisyadii hore loo kala saxeexday, sidii loo xoojin lahaa Cilaaqaadka Kenya iyo Soomaaliya, sii wadista mashaariicda wadajirka ah ee Horumarinta Dekedda. Waxa kale oo la iftiimiyey in xidhiidhada Xukuumadda Somaliland ay xoojinayso Nabadgelyada Mandaqadda,” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay xafiiska Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya.

Dawladda Itoobiya waxay saami dhan Boqolkiiba Sagaal iyo Toban (19%) laga siiyey casriyeynta dekedda Berbera, Waxana mashruuca ballaadhinta marsadda looga gol-leeyahay inay noqoto marin-ganacsiyadeedka ugu muhiimsan ee Gobolka Geeska Afrika, Shirkadda DP World ee Imaaraadka Carabta ayaa ku maalgelinaysa dhaqaale dhan $442 Milyan oo Doolar.

Sidoo kale, waxaa Toddobaadkii hore la dhagax dhigay dhismaha jidka isku-xidhaya Somaliland iyo Itoobiya oo dhererkeedu yahay 250KM, kaasi oo Dawladda Imaaraadka Carabtu ku bixinayso Boqol, Kow iyo Toban Milyan oo dollar. Waxaanu qayb ka yahay mashruuca Berbera Corridor oo lagu hirgelinayo dhismaha Toddoba Buundo (Brigdes), dhismaha iyo casriyeynta Madaar loogu talogalay diyaaradaha shacabka. Mashaariicdaas waxa lagu wadaa inay bilaabmaan 15ka Bishan March. Waxana lagu tilmaamay inay sii adkeyn doonaan iskaashiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya oo uu ka dhexeeyo cilaaqaad saaxiibtinimo oo soo jireen ahi.

Wada-hadalka ay Addis Ababa ku yeesheen Abiy Ahmed iyo Farmaajo ayey suurtogal tahay in si aan gabasho laheyn loogu qanciyey Madaxweynaha Soomaaliya in aan laga noqonaynin maalgashiga dekedda Berbera oo Xukuumadiisa iyo Baarlamaanka Muqdisho ay muddo dheer ka soo horjeedeen.

Xigasho: Solnanews.com

Leave a Reply