Qoraalku waa Furaha Aqoonta iyo Horumarka Bulshada

0
1952

Hargeysa (Dawan):- Guud ahaan caalamka aynu ku noolnahay wuxuu soo kala dhaxlay aqoonta aadamaha ee jiilba jiil soo gaadhsiiyay taasoo  umad waliba ay ku horumartay intay aqoon soo korodhsatay.

Waxaa jira mar kasta oo umad dal ku nool uu bato qoraageeda u soo kacay ee u weeleeya isla markaana   dhigane ugu dhiga aqoon ka mid ah ta aadamuhu wada leeyahay ee u baahan in umad waliba ay afkeedaku heli karto,waxaytaasi daliil u tahay in bulshadaasi ay horumar beegsanayso.

Waxaa jira oo maanta Somaliland u soo kacay aqoonyahano badan oo u weeleeyay aqoon kala duwan oo diini iyo maadiba leh oo innuugu dhigay afkeena hooyo taasoo muujinaysa in Somaliland ay ka baxayso in aqoonta ay leeyihiin ay ahaato oo keliya wax ku kaydsan maanka oday soo jireen ah iyo wuxuu u soo joogay oo keliya.

Waxaan wada ogsoonnahay in reer Yurub uu aqoonta ka dhaxlay markii  rag Yurub u kacay ay soo guuriyeen cilmigii caalamka Islaamka ee ay qoreen aqoonyahankii muslimiinta ,cilmigaas oo ah ka ay maanta Yurub wax ku noqotay ee ay sii bal ballaadhisay.

Haddaba haddii ay Somaliland Somaliland maanta u kaceen aqoonyahanno wax qoraya oo aqoonta diinga ah iyo ta maadiga ahba inoo weelaynayaa waa arrin muujinaya in aynu u soconodhanka horumarka iyo ka xorowg jahliga.

Waxaa maalinta Jimcaha ee soo socota oo ay taariikhdu tahay 8-da bishan lagu daah furayaa hotel Maansoor Hargeysa dhigane la magac baxay WAAD Riyootee Runtu Waa Maxay oo uu qoray Dr Sheekh Siciid  Maxamed Faarax oo ka mid ah culimada reer Somaliland.

Waxaanu Dr Sheekh Siciid iyo inta  badan ee kale ee la midka ah ee u qalin qaatay in ay bulshada Reer Somaliland iyo guud ahaan umadda afka Soomaaliga ku hadashaba in ay aqoonta diiniga ah iyo ta maadiga abha ay u weeleeyaanoo ay dhaxal dadkooda uga tagaan ay mudan yihiin in aan la dayicin tacabka iyo dedaalka ay dadkooda u hureen oo laga qaato isla markaana fiiro dheer oo dhugasho mudan in loo yeesho aqoonta la innoo weeleeyay ee Dr Sheekh Siciid iyo inta kale ee badan ee aanan xusinba ay tacabka u geliyeen in aynu ka maarano aqoon diimeed ama maaddi ku qoran  af-qalaad oo aynaan wax badan ka korodhsan karin.

Marka aynu qiimayno dhiganeyaasha aqoon sideyaasha ah ee aqoonyahankeenu innoo weeleeyay waxaa hubaal ah in aynu noqonayno umad leh meel ay u socodo oo wax higsanaysa isla markaana aqoonta ka doonanaysa kutubta aqoonyahankoodu u qoray eek u dhigan afkoodahooyo.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply