Maareyaha Hay’adda Waddooyinka oo Kormeray Dhismaha Wadada Hargeisa iyo Kala Baydh

0
631

Hargeysa (Dawan)- Maareeyaha wakaaladda horumarinta waddooyinka Jamhuuriyadda Somaliland, oo hoggaaminaya wefti ka socda Midawga Yurub ayaa shalay kormeer hawleed ku tagay mashruuca dhismaha jidka isku xidha magaalooyinka Dila iyo Kalabaydh, waxaanay u kuurgaleen habsami u socodka dhismaha waddadaasi oo muddooyinkii u dambeeyay gacanta lagu hayay.

Maareeyaha wakaaladda horumarinta waddooyinka Jamhuuriyadda Somaliland, Cismaan Sheekh Cabdi, ayaa faahfaahin ka bixiyay nidaamka iyo qorshaha mashruucan dhismaha jidkan, waxaanu si wayn ugu mahadnaqay masuuliyiinta iyo Injineerada gacanta ku haya dhismaha waddadaasi iyo weftiga ka socda Midawga Yurub ee kala qayb qaatay kormeerkan.

Maareeyaha wakaaladda horumarinta waddooyinka Jamhuuriyadda Somaliland, Cismaan Sheekh Cabdi, oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Illaahay mahaddii weeye, waxa aanu joognaa halkii uu ka socdsay mashuuraca dib u dhiska jidka isku xidha Dila iyo Kalabaydh, iyada oo ay inala joogaan madaxii mashruucan, Injineeradii iyo shaqaalihii gacanta ku hayay dhismaha jidkan.”

Cismaan Sheekh Cabdi, waxa uu sharraxaad ka bixiyay faa’iidada mashruuca dhismaha jidkan, waxaanu yidhi “Waxaa noo sharaf ah in aanu halkan ku qaabilno weftigan ka socda Midawga Yurub, sidoo kale waxaan aad ugu faraxsanahay warbixinta kooban ee la xidhiidha waxqabadka iyo dhismaha mashruucan ee uu halkan inooga jeediyay madaxa mashruucani iyo faa’iidada ay waddadani u leedahay dalka iyo dadkaba, waana nasiib wanaag, sharaf weyn ayay noo tahay mashruucan iyo tayada dhismaha jidkani, kormeerkanina waxa uu noo yahay dardar gelin iyo dhiiri gelinta shaqada halkan ka socota.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply