Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo Abaalmarin u Ballanqaaday Shaqaalaha Dedaalka Muujiya

0
708

Hargeysa (Dawan):- Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax (Guri-barwaaqo) ayaa sheegay in masuul xil loo magacaabo oo Weji ka saameyn badani in aanu jirin, isla markaana aanu weligii maqlin.

Waxaa kale oo wasiirku uu xusay in aan xilka leysku siin nin jecleysi, ee ay tahay qofku in uu shaqada u qalmo.

Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax (Guri-barwaaqo) ayaa tilmaamay in agaasimaha cusub ee Telefiishanka qaranka Somaliland Maxamed Xasan Cali (Weji) uu yahay nin karti leh , waxaanu ugu bushaareeyay, islamarkaana u ballanqaaday in shaqaalaha dedaalka muujiya lagu abaalmarin doono dallacaad.

Dhanka kale waxaa uu shaqaale weynaha wasaaradda ugu bushaareeyay qofkii shaqadiisa uga soo baxa sida ay tahay in uu abaalkeeda heli doono ama ha gaabnaato ama ha dheeraato’e.

Waxaanu wasiirku sidan ka sheegay xil wareejintii agaasimaha waaxda Tv-ga qaranka mudane Maxamed Xasan Cali Weji oo shalay ka qabsoontay xarunta wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo wacyi-gelinta Somaliland.

Waxaana xaflad ballaadhan oo lagu qabtay xarunta wasaaradda ka soo qaybgalay wasiirka warfaafinta, wasiir ku-xigeenno, agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta, agaasimeyaasha waaxyaha iyo hawlwadeennada wasaaradda, siyaasiyiin iyo waxgarad kala duwan.

Waxa kale oo xafladaas ka hadlay wasiir ku-xigeenka wasaaradda xanaannada xoolaha iyo Kalluumaysiga, marwo Yurub Abiib iyo wasiir Ku-xigeenkii hore ee warfaafinta, marwo Shugri Xariir Ismaaciil, waxaanay ka warrameen taariikhda iyo kartida agaasimaha cusub ee Telefishanka Qaranka.

Wasiir Ku-xigeenka wasaaradda qorshaynta Eng. Xuseen Ibraahim Buuni ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo xilka agaasimaha Telifishanka qaranka ee loo magacaabay Maxamed Xasan Cali (Weji) waxaanu xusay in Ra’yul-caamka bulshadu si ballaadhan u soo dhaweeyeen magacaabistiisa oo uu uga mahadceliyey wasiirka warfaafinta waxaanu yidhi “Waxaan ku bogaadinaya wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta in Maxamed Xasan Cali Weji oo ka mid ahaa muddo dheer wasaaradda, in maanta (shalay) ay timi inuu ka mid noqdo agaasime waaxeedyadda wasaaradda warfaafinta”

Agaasimaha cusub ee Telefishanka Qaranka Maxamed Xasan Cali (Weji) ayaa sheegay inuu xilkan loo magacaabay u gudan doono si xilkasnimo leh isla markaana uu rejaynayo waxa dadweynuhu ka filayaan inuu noqdo kii wax ka qabta “Tacabkaygii muu khasaarin ka ugu hooseeya illaa ka ugu sarreeya meesha aan maraba Maxamed guuleyso ayaa la igu lahaa, baraha bulshada oo dhanna waa leyga hambalyeeyay, hambalyadda waxaa ila wadaaga oo isna meel uu maro waayay saaxiibkay Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax Guribarwaaqo wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta, dhab ahaantii illaa maalintii uu yimidna gacanta ayuu i heystay, waxaanan leeyahay geed weyn ayaad beertay, waanad mahadsan tahay, Illaahow umaddeydaasi waxaa ay iga rajeynayaan iyo wax ka wanaagsan ay iga helaan, sidaan ku gaadhi karaana waa shaqaalihiina walaalahey ah oo ila shaqeeya hase ahaate kaligay waxba ma qaban karo”

Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri-barwaaqo) ayaa sheegay in agaasimaha cusubi uu yahay nin karti leh , wuxuuna ballanqaaday in shaqaalaha dedaalka muujiya lagu abaalmarin doono dalacaad, waxaanu isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Waxaa wax lagu farxo ah in aad ka soo qaybgasheen calleema saarka iyo xilwareejinta Maxamed Xasan Cali (Weji) kaas oo aynu u cumaamadnay agaasimaha Tv-ga qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Wejina aqoontiisa halkan ayaa iigu horreysay, qofka xilka laguma siiyo saaxiibtinimo iyo hebel u danee, waxaa lagu siiya qofku shaqada ma u qalmaa, ma ka soo bixi karaa oo kartideedi ma leeyahay, qofkasta oo wasaaradda ka tirsan sida Weji haddii uu hawshiisa ka soo baxo abaalkeedu ha dheeraado ama ha gaabnaado ee wuu helayaa, wali intii aan maqlayay cid la magacaabo maan arag cid ka saameyn badan hambalyadda isaga loo diray ama aniga la ii soo diray waa markii koobaad ee aan arko sidaa uu dareemay waxaan u rejaynaya in uu isaguna dareemo, dadweynaha waxa badan ee ay ka rejaynayana haraadka ay u qabaan hal abuurkiisa inuu ka waraabiyo kana dhargiyo”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply