Taliyaha Saldhigga Sadexaad ee Ciidanka Qaranka oo u Digay Puntland

0
805

Hargaysa (Dawan):- Taliyaha saldhiga saddexaad ee ciidanka qaranka Somaliland ee gobolka Sanaag, Gaashaanle Sare Faysal Cabdi Bootaan, ayaa digniin kama dambays ah u diray maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland oo dabada ka riixaya sarkaal hore uga fallaagoobay ciidanka qaranka iyo dhallinyaro uu qalday oo ku sugan deegaanka Qardho.

Waxaanu Taliye Faysal intaa raaciyay in aan loo dulqaadan doonin mar dambe haddii Caarre oo Puntland dibed wareeg ku ahi uu soo galo xadka Somaliland oo uu isku dayo in uu ka abuuro fadqalalo, isla markaana uu qaranka ku soo qaado weerarro fulaynimo ah.

Taa bedelkeedana waxaa uu taliyuhu caddeeyay in loogu tegi doono halka Puntland fadhiisinka ay ka siisay ee Qardho oo aanay dhacayn sida Puntland doonayso in dagaal Caarre iyo Somaliland ku dhex maro gudaha dalka, laakiin dagaalku ka dhici doono halka ay ka soo dirayso Puntland.

Waxaa kale oo uu ka hadlay dhallinyarada Caarre uu qalday ee uu sheegay in uu mushahar u qorayo, isla markaana ay ku beenowday ee ka waayay ee uu jahwareerinayo, waxaanu dhallinyaradaas taliyuhu ugu baaqay in ay ka faa’iidaystaan cafiskii Madaxweynaha qaranka ee lagu cafiyay cid kasta oo ka noqonaysa qaladkii ay gashay oo dalkeeda dib ugu soo noqonaysa.

Waxaa kale oo uu taliyuhu bogaadiyay dadweynaha degmada Yubbe oo si qarannimo leh uga hor tegay in Caarre wax shaqaaqo ah deegaankooda uu ka rido.

Taliye Faysal oo arrimahaa ka hadlayaana waxaa uu yidhi “Jabhada lagu ururinayo Qardho ee ninka baxsadka ku maqan ee Caarre wuxuu bilaabay in marba uu dul yimaado Ceerigaabo dusheeda si dhalinyarada uu majarahabaabiyay uu meel kale ugu jeediyo, ka dib markii wixii uu ballanqaaday ee ahaa mushahar ayaan idin siinayaa ee beenta ahaa ay socon wayday, si ay meel kale ugu jeestaan dhalinyaradaasi, kumaanu talo galin in aanu ka hadalno arintaas laakiin isagaa hadlay Caarre, waxaanan aad ugu hambalyaynayaa dadka degmada Yubbe oo diiday inuu shaqaaqo ka soo sameeyo Caarre deegaankooda.”

Taliye Faysal oo digniin kama dambays ah u dirayay maamulka Garoowe, ayaa yidhi. “Haddii uu ku soo noqdo Caarre deegaanka gobolka Sanaag oo uu soo galo xuduudka Somaliland laga hadhi maayo ee halka uu joogo ee Qardho ayaanu imanaynaa, qolada Puntland ee shiidaalka kolba gaadhiga ugu soo shubaysana waxaan leenahay laamida Qardho ayay xabbadu ka bilaabi doontaa, dhalinyarada yaryar ee dhaxanta iyo dabaysha lagu dilay Qardho waxaan leeyahay cid wax idiin sheeganaysaa ma jirto, madaxweynaha Somaliland waa kii cafiska ugu baaqay qof kasta oo dalkiisa ku soo noqonaya ee dalkiina iyo dadkiina u soo noqda. ”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply