Wasaaradda Shaqo Gelinta Oo Hay’adda GAVO Heshiis Kula Gashay Barnaamij 60 Dhalinyarro ah Lagu Barayo Xirfadaha Dawaarka iyo Biyo-gelinta

0
804

Hargaysa (Dawan)- Wasaaradda shaqo gelinta iyo arrimaha bulshadda Somaliland ayaa barnaamij 60 dhalinyarro ah lagu barayo xirfadaha Dawaarka iyo biyo-gelinta la saxeexatay hay’adda GAVO.

Mashruucan ayaa waxaa waxa lagu bari doonaa lixdan dhalinyaro ah oo kala ah 31 Wiil iyo 29 Gabdhood, kuwaas oo la bari doono xirfadaha Dhar-tolista (dawaarka) iyo biyo-gelinta.

Dhalinyaradan ayaa la sheegay in ay yihiin kuwo aan hein fursadihii ay waxbarashadda jaamacadaha ku tegi lahaayeen. Sidaas darteed na la bari doono xirfadahan si ay u helaan fursado ay ku shaqaystaan.

Marka ay dhamaystaan barashadda xirfadaasi waxaa la siin doonaa qalabkii ay ku shaqaysan lahaayeen.

Fulinta barnaamijkani waxaa iska kaashanaya wasaaradda shaqo gelinta Somaliland iyo hay’adda maxaliga ah ee GAVO iyo hay’adda caalamiga ah ee UNICEF.

Waxaana heshiiskaasi dhinaca wasaaradda u saxeexay wasiirka shaqo gelinta, halka hay’adda GAVO uu u saxeexay agaasimaha fulinta.

Wasiirka shaqadda iyo arrimaha bulshadda Hinda Jaamac Gaandi, oo halkaas hadal ka jeedisay kadib saxeexa ayaa sheegtay in ay aad ugu faraxsan tahay, isla markaana barnaamijka noocan ah uu dhalinyaradda ka bad-baadinayo tahriibka.

Hinda Gaandi, oo arrimahaas ka hadlaysayna waxay tidhi “Waxaa farxad ii ah, in ay dawladu gadh wadeen ka noqoto mashruucan da’yarta loogu tallo galay in ay ka baajis tahriibta ama kuwii soo noqday lagu tayeeyo xirfadeedda si ay u aaminaan dalkoodaa.

Bulshadda tayo ayuu u leeyahay oo waxay helayaan cid ay ku tiirsan yihiin, inta nasiibka u heshayna wuxuu u leeyahay tayo, oo way ka faa’iidaysanayaan.

Sidaas darteed, mar labaad waan u mahad celinayaa hay’adaha UNICEF, mana aha markii koowaad ee ay mashruuc naga taageerto”.

Kamaal Nidaam Aadam, oo ka socday hay’adda UNICEF ayaa isna tilmaamay in dhalinyaradani la bari doono xirfado ay ku shaqaystaan. “Mashruucani u jeedooyin badan ayuu leeyahay. Midka koowaad wuxuu yahay in dhalinyaradu ay helaan adeegyo buuxa.

Ka labaad na waxa weeye in loo sameeyo xirfado iyo aqoon nololeed ay awood ugu yeeshaan in ay muruqoodda maalaan”ayuu yidhi Kamaal oo u hadlayay hay’adda UNICEF.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply