Guddida Nabad-gelyada Gobolka Gebliya oo Ka Hadlay Arrin Dhex Martay Askari iyo Wariye

0
541

Gabiley (Dawan):-Badhasaabka gobolka Gabiley Maxamed Cismaan Xaaji Axmed (Indha-balac) iyo taliyaha ciidanka booliska ee qaybta  gobolka Gabiley gaashaanle sare Axmed Siciid Maxamed ayaa si wada jir ah uga hadlay dhacdo dhex martay askari ka tirsan ciidanka booliska iyo wariye ka hawl gala Gabilay.

Taliyaha ciidanka booliska ee qaybta  gobolka Gabiley gaashaanle sare Axmed Siciid Maxamed waxaa uu caddeeyay in wiilka wariyaha ahi uu sameeyay dastuur jabin, taliyaha oo  arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi  “Sidaad warbaahinta ka aragteen dhab ahaantii qaab anshax darro ah oo askariga waajibaadkiisii gudanayay ayaa meesha   lagu  weeraray waxaanay ahayd anshax darro , faraha lala galay oo qorigiisii lagu qabsaday lana aflagaadeeyay, qodobo badan oo xeerkeena iyo dastuurka Somaliland uu dhigayo ayaa la jabiyay, 263 hanjabaad iyo is hor istaag shaqo lagu sameeyay,  laguna cusleeyay  266 aflagaado sarkaal hawshiisa gudanaya 268 oo laf jab ah oo waalidkii la aflagaadeeyay ayaa meeshaasi ka dhacday, saddex nin ayaa arrintaasi abaabulay midi cameradda ayuu duubayay labana weerar ayay ahaayeen, sida muuqaalka iyagu markhaatiga iskaga duubeen cid sharciyadda ka weynina ma jirto ama suxufi ha ahaado ama sarkaal ha ahaado, madaxweynaha qaranka ugu sarreeya sharcigu wuu qabtaa, leyma taaban karo halkan leyma diidi karo, askari joog ima odhan karo waxaasi meel ay warbaahinta kaga taallaa ma jirto, xaalad abuur iska muuqata ayay aheyd qaar hurdo ayaa laga soo kiciyay waan galaaya iga duub, ma maqleysa rasaasta laygu ridayo, looma dul qaadan doono waxaana lala tiigsanaya sharciga, wariyeyaasha waxaanu leenahay qofka saxafiga ahi waa inuu sharaftiisa ilaashado, amnigiisana ka fikiro dadka kale ee walaalihiisa ee goobaha kale ka shaqeynaya ee askarigu kow ka yahay inuu ku ixtiraamo shaqadiisa”

Badhasaabka gobolka Gabiley Maxamed Cismaan Xaaji Axmed (Indha-balac) oo isna dhankiisa ka hadlay dhacdadan wiilka wariyaha iyo askariga ayaa yidhi “Askarigu waajib ayuu leeyahay xuquuq ayuu leeyahay halka amarka lagu siiyay in aan cidi u soo dhaafin oo uu joojiyo xaq ayuu u leeyahay, suxufiguna in shaqadiisa lagu farageliyo oo lagu ixtiraamo xaq ayuu u leeyahay, askariga goobtiisi shaqo ayaa loogu yimid hase ahaatee wariyaha goob uu isagu leeyahay looguma tagin”

Guddoomiyaha gobolka Gabilay oo hadalkiisa sii wata,ayaa intaa ku daray jawaab uu ka bixiyay qoraal ka soo baxay Solja ururka suxufiyiinta Somaliland oo isla dhacdadaa dhex martay askariga iyo wariyaha lagaga hadlay,waxaanu yidhi guddoomiyaha oo arrintaa ka hadlayay.“Xuuto oo ah guddoomiyaha urrurka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, war-murtiyeedkii uu soo saaray iyo qoraalkii uu isbabar dhigayay dhab ahaantii annagu waxaanu u aragnaa mid gar-siinaya nin gardaroole ah, kuna xadgudbay qaranka, kuna xadgudbay sharaftii booliska, caayay aflagaadeeyay qorigiisana ku qabsaday muwaadin shaqadiisii gudanaya, suxufiguna waa in uu ilaaliya sharaftiisa iyo karaamadiisa” Ayuu yidhi badhasaabka gobolka Gabiley Maxamed Cismaan Xaaji Axmed (Indha-balac)

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply