Maayarka Wadaama-goo oo Lagu Wareejiyay Qalab Tamarta Cadceedda ku Shaqeynaya

0
622

Wadamogo (Dawan):- Urrurka Barwaaqo1 kana mid ah urruradda waddaniga ah ee ka jira degmadda Wadaamogoo ee gobolka Saraar ahna mid isu-taagay horumarinta degmadda ayaa leydh tamarta cadceedda ku shaqeynaya ku wareejiyay duqa dawladda hoose ee degmaddaas.

Maayerka  degmadda Wadaamagoo  Cabdirashiid Axmed Iidle ayaa urrurka wadaniga ah ee Barwaaqo1 uga mahad celiyay agabka tamarta cadceedda ku shaqeynaya ee ay ku wareejiyeen, kaas oo uu xusay in uu wax badan ka tari doono baahidi loo qabay dhanka leydhka ee ay u xanibnaayeen qalabyadda xafiisyadoodu ay ku hawlgallaan.

Ugu horeyn xughayaha urrurka waddaniga ah ee Barwaaqo1 ayaa ka hadlay leydhkan tamarta cadceedda ku shaqeynaya ee ka urrur ahaan  ku wareejinayaan duqa dawladda hoose ee degmadda Wadamago waxaanu yidhi “Aniga oo ku hadlaya afka urrurka Barwaaqo-1 waxaanu dawladda hoose ee degmadda Wadaamagoo  anaga oo ka tirsan urruradda isu taagay inay ka shaqeeyaan danta bulshada, agab tamarta cadceedda  ku shaqeynaya oo saddex boqol oo Waat ah, (300-Waat) taasi oo qalabkeedi wadata oo dhameystiran, kadib markii aanu aragnay leydh la’aan ka jirta xafiisyadda dawladda hoose ee degmadda Wadamago, marka waxaaanu ka urrur ahaan kugu wareejineynaa leydhka tamarta cadceedda ku shaqeyn doona”

Xubin ka mid h haweenka ururka Barwaaqo 1 oo ka hadlaysay siday isu bar bar taagayaan dawladda isla marmaana mid hoose iyo mid dhexeba ay diyaarka ugu yihiin in ay la shaqeeyaan,ayaa  tidhi.“Halkan waxaa aan uga hanbalyaynaya maayerka degmadda iyo xughayihiisa iyo maamulkiisa  oo aanu ugu hanbalyeyneyno horumarka dhinacyadda badan ah ee degmadda ka socda, higsaneynsana meel fog, haddii aanu nahay urrurka Barwaaqo1 ee degmadda Wadamago iyadda oo aanu dooneyno in dawladdayadda mid hoose iyo mid dhexeba aanu u shaqeyno, waxaanu xafiiskayagii ku wareejineynaa agab dhameystiran”

Duqa degmadda Wadamago oo kaalmada ururku soo gaadhsiiyay ka guddoomay,ayaa uga mahad celiyay isla markaana ka hadlay kaalinta wax ku oolka ah ee laydhka tamarta cadceedda ku shaqeeya ee lagu wareejiyay uu ka qaadan doono adeegga ay bulshada degmada u hayaan,waxaanu yidhi   “Iyadda oo aan cidi idin soo abaabulin cidina dabada idinka wadin inaad garateen in xafiiskii leydinka ku shaqeynayay ee dawladda hoose waxyaabaha uu baahiyaha weyn u qabay in aad isu soo xilqaanteen aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tihiin, anaguna waanu idinka guddooney, kaas oo ah leydh wax badan ka tari doona shaqada agabka yaalla xafiiska dawladda hoose ee degmadda Wadaamogoo aad iyo aad ayaad u ugu mahadsan tihiin”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply