Ku Simaha Madaxweynaha Qaranka Somaliland Oo Sagaatiyey Dhallinyaro Tartan Dhinaca Orodka Ah Kaga Qaybgelaysa Dalka Jabuuti+Sawiro.

0
539

Hargeysa(Dawan)-Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku-simaha madaxweynaha, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa sagootiyey saddex dhallinyaro ah oo magaca dalka Jamhuuriyadda Somaliland kaga qaybgelaya tartan dhinaca orodka ah oo lagu qabanayo dalka Jabuuti.

Madaxweyne-ku-xigeenka, ayaa la dardaarmay dhallinyaradan tartanka ka qaybgelaysa, waxana uu ku dhiirrigeliyey inay maanka ku hayaan sidii ay guul ugu soo hoyn lahaayeen qarankooda, islamarkaana ay aaminaan inay rumayn karaan hammigooda ah inay tartankaas ka geli karaan kaalmaha hore.

Dhallinyaradan u amba-baxday tartanka ay kaga qayb-gelayaan dalka Jabuuti, ayaa kala ah Xamse Bade Macallin oo ka qaybgeli doona orodka 3000M (Saddexda kun ee mitir), Cismaan Cilmi Sheer oo ka qaybgeli doona orodka 5000M (Shanta kun ee mitir), Khaalid Xuseen Yuusuf oo ka qaybgeli doona orodka 800M (Siddeedda boqol ee mitir) iyo Mustafe Cabdiraxmaan Xaddi oo ah guddoomiyaha ciyaaraha fudud ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Image may contain: 6 people, people sitting, table and indoor

Image may contain: 3 people, people sitting

Image may contain: 5 people, people sitting and indoorImage may contain: 7 people, people standing

Leave a Reply