Xukuumadda Somaliland oo Digniin Adag u Jeedisay Maamulka Garoowe

0
547

Hargeysa (Dawan)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sheegtay in hoggaamiyaha Maamulka Puntland ee Soomaaliya uu dusha u riddan doono cawaaqibka ka dhasha daandaansiga ay ka wadaan xuduudaha Bariga Somaliland.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Agaasimaha Telefishanka Qaranka, ahna Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta Jamhuuriyadda Somaliland, Maxamed Xasan Cali Weji, kaasi oo u qornaa sidan:-

“Jamhuuriyadda Somaliland waxa dhaqan u ah oo ay Xeerisaa inay Nabad kula noolaato derisyadeeda, hase ahaatee Taako dhulkeeda ka mid ah uma ogolaanayso in Nacabka daandaansiga badan ee Soomaaliya soo haweysto soohdimaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay caddeynaysaa in aanay ku duulin xudduuda Dawladda Soomaaliya, haseyeeshee ay sugayso Soohdimaheeda soo jireenka ah. Sidaas darteed, hadalka ka soo yeedhay shalay (Dorraad) Hoggaamiyaha Puntland ee Soomaaliya, waxaanu u aragnaa inuu dhalanteed iyo hawaawi ku sheeganayo gobollo ka mid ah Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaanan la socodsiinaynaa inuu daandaansiga uu ku hayo Somaliland uu ku fashilmi doono, sidii uu horeba ugu hungoobay Cabdiweli Gaas-kii ka horreeyey.

Somaliland way taqaanaa Nabadda iyo Colaada labadaba ee ha ku abshiro in Maamul-goboleedka Garoowe jab aanay ka soo waaqsan kala kulmi doonaan gardarrada joogtada ah ee ay ka wadaan dhulka Somaliland.

Ugu dambayn, waxaanu Siciid Cabdillaahi Deni xasuusinaynaa in xilka loo cumaamaday xilli uu Somaliland ka dhammaaday dulqaadkii ay u laheyd Soomaaliya, waxaanu dusha u ridan doonaa cidhib-xumada ka dhalata damacooda Beenta ku dhisan.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply