Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha oo Qabatay Kulan Lagu Dersayo Sarraynta Sharciga iyo Barashada Dastuurka

0
641

Hargaysa(Dawan):-Wasaaradda Xidhiidhka golayaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland ayaa daahfurtay kulan lagu gorfaynayo laguna xoojinayo ku dhaqanka dastuurka Somaliland.kaas oo ay kasoo qayb galeen qaar ka mid ah wasaaradaha iyo hay’addaha dawladdu.

Kulankan oo shalay ka furmay xarunta wasaarada xidhiidhka goleyaasha ee magaalada Hargaysa ayaa waxa ka soo qayb galay wasiiradda wasaaradaha xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Caddaaladda, guddoomiyaha hay’adda shaqo Qaran, Mareeyaha Madabacada Qaranka, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Xubno ka socday Gudida maamul wanaaga iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa.

Wasiirka Wasaarada Xidhiidhka Golayaasha iyo Arimaha Dastuurka Maxamed Xaaji Aadan Cilmi oo furitaankii kulankan hadal ka jediyay ayaa sheegay in kulankan loo qabtay sidii looga midho dhalin lahaa ku dhaqanka shuruucda dalka u taalla.waxaanu yidhi“Inta nala wadaagta ee nagala shaqaysa ee hirgalin karta dastuurka ee u jeedada aynu leenahay ka midho dhalin karta waa hay’adaha dawladda,annagoo ku kalsoon aqoonta iyo waayo aragnimada aad u leedihiin qayb libaaxlena ka qaadan doontaan kulankan.waxa aynu ognahay qaran kasta oo adduunka ka jira wax yaabaha ay ku horumaraan waxa ugu horreeya waa in shuruucda dalkaasi shaqayso,sidaa daraadeed waa in aynu dadka shuruucda ku ilaalino oo aynu barno si ay shuruucda u ilaaliyaan.”.

Wasiirka Wasaarada Cadaalada Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa sheegay inay ku dedaali doonaan sidii uu u sarrayn lahaa sarraynta sharciga.waxaanu yidhi“waxaaan rejaynayaa in shirkani noqdo mid midho dhala oo wax wanaagsani ka soo baxo haddii aynu dadka Somaliland nahay waxaynu ku dedaalaynaa in sarraynta sharcigu sarreeyo madaama xeerku yahay xakame.”.

Agaasimaha guud ee Wasaarada Xidhiidhka Goleyaasha iyo dastuurka Maxamed Xuseen Dhabbeeye, ayaa isna sheegay in u jeedada kulanka ay u qabteen ay tahay sidii hay’adaha dawladdu iskaga kaashan lahaayeen waxyaabaha ay u xil saaran yihiin wasaarada xidhiidhka Goleyaasha.waxaanu yidhi.“hay’adaha qaranku waa waaxyo kala duwan sida uu dhigayo dastuurka Somaliland u jeedada aanu kulankan u qabanayna waxa weeye sidii aynu iska kaashan lahayn hay’adaha qaranka waxyaabaha wasaarada Xidhiidhka Goleyaashu u xil saarantahay.”.

Mareeyaha Madbacada Qaranka Maxamuud Raage Ibraahim iyo Agaasimaha shaqo Qaran Maxamed Xuseen Mu,addinka ayaa dhankooda sheegay in loo baahanyahay awoodda iyo karaamada Somaliland,oo ay ku tilmaameen in uu yahay dastuurka Somaliland.

 

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply