Dawladdas oo Bilowday Dib u Xoolaynta Dadkii ay Saamaysay Abaartii Sagar

0
753

Hargeysa (Dawan):- Xukuumadda Somaliland ayaa bilawday dib u xoolaynta dadkii ay saamaysay abaartii Sagar eek u dhifatay gobolada galbeedka Somaliland eek u tabaaloobay kuna xoolo belay.

Guddoomiyaha Hay’ada u diyaar garowga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka Somaliland Mudane. Faysal Cali Sheekh Maxamed ayaa deegaano ka mid ah gobolka Selel ka fuliyey Mashruuc ay xukuumaddu ugu talo gashay  dib u xoolaynta  dadkii ay xoolahu kaga baxeen duufaantii Sagar, waxaana deegaanka Ceel-baxay oo ka tirsan gobolka Selel la gaadhsiiyey 300 oo neef oo loogu talo galay in ay ka faa’iidaystaan 20 qoys oo ka mid ah dadkii ay xoolahoodii kaga baxeen Duufaanta Sagar.

Ugu  horrayna waxa halkaa ka hadlay masuuliyiinta deegaanka Ceel-Baxay iyo Waxgaradka deegaankaas waxaanay xukuumadda uga mahad celiyeen kaalmada Xoolaha ah ee la soo gaadhsiiyey.

Guddoomiyaha Hay’ada u diyaar garowga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka Somaliland. Faysal Cali Sheekh Maxamed ayaa ka waramay doorka ay xukuumaddu ka qaadatay markii ay dhacday Duufaanta Sager iyo sidoo kale mashruuca ay xukuumaddu bilowday ee dib u xoolaynta dadkii ay Abaarahaasi saameeyeen.

Geest kalena Wefti uu hogaaminayo Guddoomiyaha Hay’ada u diyaar garowga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka Somaliland ayaa deeqahaasi waxa uu gaadhsiiyey deegaanada Habeersiyo iyo  Cabdiqaadir, waxana halkaasi ka hadlay masuuliyiinta gobolka Selel oo  uga mahad celiyay xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Deeqda Xoolaha soo gaadhsiiyey.

Gabagabadiina waxa halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Hay’ada u diyaar garowga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka Somaliland oo faahfaahin ka bixiyey deegaanada ay ka soo bilaabeen qaybinta Xoolaha Nool.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply