Wasaarada Caafimaadka oo Burco Ka Daahfuray Mashruuc Lagu Daryeelayo Hooyada iyo Dhallaanka

0
690

Burco (Dawan:)- Wasaarada Caafimadka Somaliland ayaa magaalada Burco ka daahfuray mashruuc Caafimaad oo kor loogu qaadayo adeegyada iyo tayada caafimaad ee xarumaha caafimaadka gobolada Togdheer Iyo Daadmadheedh.

Mashruuca caafimaad oo lagu magacaabo (SHINE) ayaa lagu tayayn doonaa in ka badan 25 xarumo caafimaad oo ku yaalla deegaanada iyo degmooyinka hoos yimaada gobolada Togdheer iyo Daadmadheedh,

Mashruuca oo ay maalgelisay hay’adda mucaawimooyinka caalamiga ee UKAID ayaa waxa fulindoonta wasaarada caafimaadka Somaliland oo kaashanaysa Hay’adaha SYS iyo HPA.

Daahfurka barnaamijkaas oo ka dhacay Burco ayaa waxa kasoo qaybgalay Badhasaabka Togdheer, Xamse maxamed Cabdi , Maamulka Daad-madheedh , masuuliyiinta wasaarada caafimaadka gobolada Togdheer Iyo Daadmadheedh, Saraakiisha amniga , Cuqaal, Haween Iyo martisharaf kale oo tiro badan.

Dr. Maxamed Xaamud oo ka socday Hay’ada HPA iyo Cabdifataax Cali Axmed oo ah guddomiyaha Hay’adda SYS ayaa ugu horreyn ka waramay ujeedada barnaamijka caafimaad oo ah mid aad u ballaadhan in uu soo gaadho Bulshada Somaliland “ujeedada Mashruucu waa laba qaybood, in la taageero shaqaalaha caafimaadka iyo wax alla wixii shaqada caafimaadku ku hirgalayso ee xarumaha aasaasiga ah oo la taageerayo illaa 27.MCH(Xannaano ) iyo labaatan health Boss (Goobo kale oo caafimaad) oo labadaa degmo kaliya ah, waxa kale oo markii ugu horreysay lagu soo daray labada Cisbtaal guud ee Burco iyo Oodweyne qayta Dhalmada iyo carruurta dhalatay in la taageero” ayuu yidhi Dr Xaamud.

Guddoomiyaha Hay’adda SYS Cabdifataax oo isnadhankiisa ka hadlay mashruuca caafimaad iyo faa’iidooyinka uu u leeyahay bulshada,ayaa yidhi“inta mashruucani socdo oo ah laba sano waxyaabaha aanu kala shaqayndoono waxa ka mid ah dhammaan deegaanada ay ka shaqaynayaan inaan ka samayno barnaamijyada lagu baraarujinayo bulshada sidii ay uga faa’iidaysan lahaayeen mashruucan ballaadhan”

Isuduwaha wasaarada caafimaadka Togdheer Dr: Aadan Cilmi Diirye (Aadan-Malay) iyo agaasimaha cisbitalka guud ee Burco Dr Cabdi Suudi ayaa iyana ka warbixiyay barnaamijkani sida barnaamijkaas loogu tayaynayo adeegyada ay bixinayaan xarumaha caafimadku, “mashruucani wuxuu daboolayaa baahida Caafimaad ee degmooyinka Burco iyo Oodweyne, mashruucan dawladda ayaa hogaaminaysa, oo go,aanka iska leh, waxaanan doonaynaa hooyada iyo dhalaanka in adeegooda oo dhami noqdo bilaash, mashruucan waxaan doonaynaa qof kasta oo reer miyi ah, hooyo kasta oo uur leh, hooyo kasto la jaqayo iyo ilmo kasta oo shan sano jir ka yar inuu gaadho.” sidaa waxa yidhi isuduwada caafimaadka Togdheer Aadan Malay.

Qaar ka mid ah cuqaasha, haweenka iyo masuuliyiintii kale ee lagu maamuusay hadalka madasha ayaa si weyn ugu mahadnaqay Madaxweynaha, wasaarada caafimaadka iyo hay’adihii ka shaqeeyay sidii uu mashruucaasi usoo gaadhi lahaa Bulshada caafimaadka ubaahan,

Maayerka Degmada oodweyne Cabdixakiin Nuur Muuse oo ku hadlayay afka bulshada Oodweyne ayaa Ballanqaaday inuu si hagar la’aan ah barnaamijkani usoo dhaweynayaan siweynna ugu mahadceliyay cid kasta oo ka qaybqaadatay horumarinta caafimaadka bulshada.

ugu dambayn Badhasaabka Gobolka Togdheer oo Furay barnaamijkan lagu tayaynayo xarumaha Caafimaad ee gobolka ayaa yidhi “dadweynaha gobolka Togdheer waxaan ugu baaqayaa inay ka faa’iidaystaan Mashruucan, runtii waa wax soo kordhay inaynu soo dhaweyno waxaan ballan qaadaynaa ka maamul ahaan iyo shicibba inaan la shaqayno hawl wadeenada hawsha inoo wada”

Barnaamijkani Caafimaad oo wajigiisa koowaad socon doono muddo laba sano ah ayaa waxa ka shaqayn doona shaqaale ka badan 400 oo Qof, waxaana ka faa,iidi doono oo lagu daryeeli doonaa in ka badan Toban Kun (10,000) oo ka mid ah hooyada Iyo dhalaanka ku tabaalaysnaa magaalooyinka Iyo deegaanada Fog ee gobolada Togdheer Iyo Daadmadheedh.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply