Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Casho-Sharaf Ku Maamuusay Weftigii Ka Socday Dawladda Eriteriya+Sawiro.

0
537

Hargeysa-(Dawan)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalilad, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa casho-sharaf ku maamuusay wefti heer sare ah oo ka socda waddanka Eriteriya oo uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda dalka Ereteriya, Mudane Cismaan Saalax Maxamed oo safar shaqo ku jooga Somaliland.

Casho-sharafta uu madaxweynuhu u sameeyey weftiga ka socda dalka Eriteriya, ayaa waxa ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirrada wasaaradaha arrimaha dibadda iyo is-kaashiga caalamiga ah, Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faro-toon), arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Gaashaandhigga, Mudane Ciise Axmed Yuusuf, Horumarinta maaliyadda, Mudane Sacad Cali Shire, Qorshaynta iyo horumarinta qaranka, Mudane Cawaale Ibraahim Shirwac, Waxbarashada iyo Sayniska, Mudane Cismaan Jaamac Aadan, guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali-waraabe, dublomaasiyiin iyo marti-sharaf kale.

Image may contain: 3 people, people sitting and table

Image may contain: 2 people, people smiling, people standing and suit

Image may contain: 1 person, smilingImage may contain: 2 people, people smiling, people standing and suitImage may contain: 6 people, people standing and suit

Image may contain: 4 people, people sitting, wedding, table and indoor

Image may contain: 3 people, people sittingImage may contain: 1 person, sitting

 

Leave a Reply