Cisbitaalka Guud ee Hargeysa oo Laga Bilaabayo Qalliinka Lafaha

0
584

Hargeysa (Dawan) Cisbitaalka guud ee magaaladda Hargeysa, ayaa laga bilaabayaa hawl caafimaad oo la xidhiidha qalliino kala duwan oo dhanka lafaha ah, kuwaasi oo loo sameynayo bulsho weynta reer Somaliland.

Hawlgalkan caafimaad eek u saabsan qalliinada lafaha ayay fulin doonaan dhakhaatiir ajaaniba iyo kuwo dalka u dhashay, waxaanu socon doonaa 23-ka bishan March illaa 30-ka bishan.

Dr. Axmed Siciid Cilmi oo ka mid ah dhakhaatiirta hawlgalkan fulinaya ayaa warbaahinta la wadaagay noocyadda qalliinadda ay fulin doonaan, waxaanu yidhi “23/3/2019, waxaa cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa ka bilaabmaya olole qalliinka lafaha ah iyo mid jajabka ah, waxaana hawsha qaliimaddan fulin doona dhakhaatiir Ustareeliyaana, kuwa Itoobiyaana iyo kuwo Soomaaliya, oo dhammaantood leh takhasuska qalliinka lafaha, ololahan ayaa bilaabmaya 23-ka bisha, soconayana illaa 30-ka bishan, waxaana qalliinkan ka faa’ideysanaya dadka ka jajaban dhammaan lafaha dhaadheer, kuwa hore loo qalay ee kabniya xumeystay, kuwa ka jaban miskaha ama halka ay misgaha iyo bowdadu iska galaan, waxaana loogu badelayaa bir ay ku socdaan, marka la qalo, isla maalinta labaad ba waala socodsiinayaa.”

Sidoo kale Dr. Axmed waxa uu farta ku fiiqay cidda ay mihiimka tahay inay ka faa’ideysato qaliimaddan waxaanu yidhi “Qaliimaadan waxaa kale oo ka faa’iideysanaya dhammaan dadka burburka iyo jajabku soo gaadho, mid cusub ama mid mudo hore ahaa ha noqde, iyo dadka qalqalooca lafahooda iyo gacmahooduba ay ku jiraan, oo dib inta loo jabiyo la toosinayo.”

“Dadka qaar baa Garbaha ka cabanaya, qaar baa Laabatooyinka ka cabanaya, qaar baa Jilbaha ka cabanaya, wixii cabasho lafaha ka cabanaya qaliinkan imika kuma jiraan, ee waxa wax loo qabanaya kuwa jajaban, iyo kuwa kabniinyo xumeystay” ayuu yidhi Dr. Axmed Siciid Cilmi oo ka mida dhakhaatiirta qalliinkani fulin doonta.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply