Safiirka Somaliland ee Kenya oo Wax lala Yaabo Ku Tilmaamay Warbixintii Aljazeera

0
637

Nayroobi (Dawan) Safiirka Somaliland u jooga dalka Kenya Ambassador Baashe Cawil Xaaji Cumar ayaa waxba ka jiraan ka dhigay warbixin laga sii daayay muuq baahiyaha Aljazeera kaasi oo lagu dhaliilay heshiiskii shirkadda DP. World ay la gashay dawladda Somaliland.

Sidoo kale waxaa uu xusay in aanay Aljazeera waxba ka weydiin masuuliyiintii reer Somaliland ee heshiiska la galay dawladda Imaaratka iyo shirkadda DP. World midna, waxaanu sidan ka sheegay wareysi uu siiyay Telefiishanka Bulsho.

Safiirka Somaliland u jooga dalka Kenya Ambassador Baashe Cawil Xaaji Cumar isaga oo ugu horreyn arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Warbixinta uu sii daayay muuq baahiyaha Aljazeera waxaa ay aheyd warbixin dhan ka raran, warkaasi ay baahisayna waxaa aanu ku tilmaamaynaa in aanu aheyn mid saxa, talada in heshiis lala galo DP.World iyo dawladda Imaratka Carabta kamay iman Axmed Siilaanyo iyo qoyskiisa iyo cid kale toona, waxaa ay ka timid guddida wasiiradda ah oo markii ay qiimeeyeen yidhi ‘arrintan dan ayaa inoogu jirta inaga oo ka eegeyna marxaladeena iyo masiirka umaddeena ee aynu dooneyno, inaga oo qiimeyneyna mashaariicdda maalgashiga ah ee ballaadhinta dekadda Berbera lagu sameynayo, ee dawladda Imaaratku ku sameynayso dalkeena, waataa la bilaabay dhismihi wadada, waataa suuqi xorta ahaa la sameynayo, in dekaddii la balaadhinayo, waxaasi oo dhami iskamay iman hadaan dadaal loo galin, taasi ayaana keentay in xukuumaddu saxeexdo”

“Aljazeerana la yaabi meyno oo waa kuwa Soomaaliya iyo Jabuuti soo wareystay ee dadkii heshiiskan ku lugta lahaa aan waxba ka weydiin, haday noqoto masuuliyiintii wasiiradda ahaa, haday noqoto aniga oo safiirkii wakhtigaas Somaliland u joogay Imaaratka, marka waxaa warbixintan laga soo qaado ayaa iskaba yar” ayuu yidhi safiirka Somaliland u jooga dalka Kenya Ambassador Baashe Cawil Xaaji Cumar.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply