“Haddii Aynaan Isku Tashan Meel Gaadhi Mayno Halisna Ka Bixi Mayno” Guddoomiye Faysal Cali Sheekh

0
611

Hargeysa (Dawan):- Guddoomiyaha hay’adda u diyaargawga aafooyinka iyo kaydka raashinka mudane Faysal Cali Sheekh,ayaa ka hadlay xaalad abaareed oo ka jirta Somaliland iyo sida ay deegaanada qaar xilligan uga taagan tahay biyo la’aan saamaysay nololasha dad iyo duunyo ee gobolada bari ee dalka gaar ahaan Sool,Sanaag iyo Badhan,waxaanu intaa raaciyay in ay qorshaynayaan sidii deeganaa loo gaadhi lahaa ee dadkaa loogu gurman lahaa.

waxaa kale oo uu sheegay in loo baahan yahay in umad ahaan talo wada jir ah laga yeesho abaaraha soo noq noqday iyo saamaynta ay bulshada ku keenaan.

Waxaa kale oo uu ka hadlay dib u xoolayn ay u sameeyeen qoysaskii abaartii Sagar ku caydhoobay ee duunyadu kaga baxday.

Waxaa kale oo uu guddoomiye Faysal ku dheeraaday ahmiyadda ay leedahay in ummad ahaan aynu waxla soo baxno oo nolosheena xilligan ku tiirsan wax dibed innooga yimaadda in aynu ka badbaadno oo dhulkeenna iyo baddeena wax kala soo baxno iyo in tacabka lala soo baxaa in uu suuq ka helo guud ahaan bulshada reer Somaliland si wax sooraaskeenu kor ugu koco oo uu qofku ugu dhiirado in uu wax la soo boxo.

Waxaanu sidaa ku sheegay Guddoomiye Faysal Cali Sheekh waraysi gaar ah oo xafiiskiisa ku siiyay wargayska Dawan.

Ugu horrayn guddoomiye Faysal oo ka hadlayay tallaabadadib u xoolaynta ah ee xukuumaddu dib ugu kaabayso nolosha qoysaska duufaantii Sagar ku tabaaloobay iyo kuwa abaarihii xoolihii kaga bexeen,ayaa yidhi. “waxaan safar shaqo ugu baxnay gobolka Selal oo oo aanu ka bilawnay dib u xoolaynta dadkii xooluhu kaga bexeen duufaantii Sagar,waxaana la xoolaynayay qoysaska ay gacantooda ku sii hadheen xoolo tusaale ahaan qoysaska haysta 15 illaa 20 neef oo adhi ah ayaanu xoolo siinaynay si ay noloshoodii miyiga dib ugu soo kabtaan laakiin qoysaska xoolihiiba ay ka wada bexeen si kale ayaa noloshooda loo kaabayay oo lacag caddaan ah iyo raashin ayaa qoysaska aan xoolo ku hadhin gacantooda loo qorsheeyay,waxaana jira qorshe cad oo ah siyaasadda xukuumadda ee ay dalka ku hoggaaminayaan madaxweynaha iyi madaxweyne ku –xgeenka qaranka Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi iyo mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo ah in dadka reer miyiga ah wax loo qabto oo halkooda lagu xooleeyo si aanay noloshoodu halis u gelin isla markaana aan loo caydhoobin dadkuna magaalada u soo wada gelin. Tallaabadaas oo ah mid wax wayn ka taraysa nolosha dadkii ku tabaaloobay abaarihii soo noq noqday yo duufaantii Sagar ee gobolada galbeedka dalka ku dhufatay,annagoo taa ka duulayna,ayaanu socdaal ku tagnay gobolka Selal waxaanan soo qaybinay xoolo dhan illaa 9000 kun oo neef oo adhi ah oo isugu jira Riyo iyo Ido,waxaana loo qaybinayay dadkii gacantooda wali xooluhu ku sii jireen,hannaan wanaagsan ayaanan ugu qaybinay oo illaa maamulka heer tuulo,degmo iyo gobolba way nala socdeen dadkuna aad iyo aad ayay usoo dhaweeyeen waxtarkaa iyo dib u xoolayntaa xukuumaddoodu u samaysay waxaanay ku farxeen in dib loo kabo noloshooda oo ay xoolayntaa helaan waxaana ku jiray adhiga aanu u qybinay qoysaskaa orgigii iyo wankii waana xoolo dhaqmaad ah oo taran ah,kaadhadh,ayaan dadka u samaynay oo guddiyo illaa odayaasha deegaanku ay ka mid yihiin ayaan ka wada shaqaynayay oo nagala qayb qaatay.meelo yar oo ka mid ah Saaxil iyo Gabilay dusheeda oo noo hadhayna way jiraan oo iyagana aanu dhakhso ugu qaybinayno dhawaan insha ALLAH.”

Guddoomiye Faysal oo ka hadlayay xaaladda abaareed ee dalka ka jirta,ayaa yidhi. “waxanaynu ku jirnaa xilli kulul oo abaareed oo dalka ka jirta marka hore ALLE ayaan ka baryaynaa in uu innaga jabiyo abaarta oo uu nimcadiisa inoo shubo, deegaano badan ayay maanta ka jirtaa xaalad abaareed oo kulul gobolada qaar waxaa ka jirta biyo la’aan deegaanada qaarna waxaa ja jira biyo la,aan iyo baad la,aan waxaana ugu sii daran gobolada Sool,sanaag iyo Badhan oo xaalad adag oo abaareed ay ka taagan tahay dad badan ayaanay saamaysay abaartaasi,ka hay’ad ahaanna xaaladda abaareed ee dalku galay bishii koobaad ee sannadkan ayaan warbixintii ugu horraysay aanu gaadhsiinay xukuumadda iyo hay’addaha arrimahaa nagala shaqeeyaba,markaa kaliil aad u kulu ayaynu galnay oo taabatay nolosha dad iyo duunyoba,dadkana wax waa la gaadhsiiyay laakiin kollay wax ku filan noloshooda maaha xaaladiina way taagan tahay imikana hay’addo badan oo aanu wada shaqayno,ayaa qaybintii ku jira oo ay ka mid yihiin ARC,NRC,CARE,iyo hay’addo kale oo badan gobolada Sool,Saraar iyo Sanaag intaba qaybin ayaa hadda ka bilaabantay,xukuumadduna way ka shirtay waanay ka kulmeen gudidii heer qaran waxaanan rejaynaynaa in si deg deg ah dadkaa wixii loo qaban karaba lala gaadho dedaal bandanna xukuumaddu way ugu jirtaa sidii dadkaa gurmad qaran loogu samayn lahaa.”

Guddoomiyaha oo ka hadlayay sannadkan bilawga ah inta qoys ee ay raashin gaadhsiiyeen iyo deegaanada ay ka qaybiyeen,ayaa yidhi.”sannadkan oo kale waxaanu raashin siinnay 64000 oo qoys oo gobolada dalka kala deggan bishii Feebarawi ee hadda dhammaatay gobolka Awdal waxaanu raashin siinay 25155 kun oo qys ayaanu raashin siinay,Sanaag 12228 qoys,ayaa raashin la siiyay,Sool 11058,ayaa la siiyayTogdheer waxaa la siiyay12627,Maroodijeex waxaa la siiyay 41051 qoys.dadkaasi inta badan waa dadka joogta mar walba wax loosiiyo,waxaa kale oo aanu la shaqaynaa oo aanu la qaybinaa hay’addo badan oo dalka ka shaqeeya oo ay kamid tahay WFP,waxaa kale oo jira (kaash) lacag caddaan ah oo dadka la siiyo oo aad u badan oo qoysas badan loo qaybiyo si noloshooda wax looga qabto dadkaasi ama miyi ha degenaadaan ama tuulooyin ha joogaan ama barakacayaal ha ahaadaane,markaa xukuumaddu dedaal badan ayay samaysaa wax badan ayaa dadkaa la gaadhsiiyaa laakiin waxaa muhiim ah in dadkaa noloshoodii la soo celiyo oo dadkii miyihu xoolohoodii dib ugu noqdaan oo kii beer lahaa beertiisii dib ugu noqdo xukuumadduna dedaal wayn ayay arrintaa ugu jirtaa shirar joogto ahna waanu ka yeelanaa oo todobaadle ah waana hawl taagan oo socota.”

Guddoomiye Faysal Cali Sheekh waxaa kale oo uu ka hadlay sida keliya ee lagaga bixi karo abaaraha soo noq noqday oo uu sheegay in ay u baahan tahay in ay tahay mid u baahan in wada jir wax looga qabto oo aan laga sugin xukuumadda oo keliya xalkeeda,waxaanu yidhi isagoo arrimahaa ka hadlaya. “horta xaaladda abaartu in badan ayay inagu soo noq noqotay walina waxaad mooddaa in aynaan ku baraarugin in aynu wax ka barano ama ka gaashaamano oo markay xaaladi timaaddo ayunbaa la odhanayaa dawladdii maxay ka qabatay laakiin waxaynu u baahannahay in aynu kayd yeelano kaydkuna wuxuu ka bilaabmaa qof illaa qaran marka qofku kayd yeesho ee qoysku kayd yeesho oo tuuladu kayd yeelato ee degmado kayd yeelato ee gobolku kayd yeesho ee qaranku kayd yeesho ayaynu taa ka baxaynaa,tusaale ahaan haddii qoska miyigu samaysto kayd biyood oo uu bac dhulka u qoto oo kii beer lahaa kaydsado raashinka u soo go’a oo tuuladu is abaabusho oo baliyo samaysato oo degmadu la mid noqoto oo gobolku is abaabulo wax badan ayay baahideena ka tari lahayd,waxaa kale oo isna kayd innoogo baahan calafka xoolaaha oo baad la,aanta deegaanada kala duwan ka dhacday ee abaaruhu sababeen ay saamayn ku yeelatay xoolaha seerayaal qaran iyo calaf xoolaad oo kayd ahba waynu u baanahay,laakiin waxaas oo dhammi waxay imanayaan markaan isu tashano ee aynu garano in aynu ka maarmi karno in aynu gacan kale sugno ama hay’addo barino. Dhibaatada kale ee jirtaa waxay tahay waxaynu noqonay ummad dhan oo waxay cunayso oo dhan dibad kala timaadda taasina waxay innagu tahay dhib baaxad weyn oo halis galisay nolosheena waxaan u baanahay in aynu dhulkeena wax ka beerano oo kala soo baxno oo aynu cunno cuntada inoo baxda laakiin haddii keenii wax beerayna laga iibsan waayo cuntadii waddaniga ahayd ee usoo go’day isna waxba beeri maayo innaguna faqri ka biximayno markaa aynu wax la soo baxno oo bad iyo beer iyo xooloba tacab badan gelino wixii aynu la soo baxnona aynu ku kalsoonaano oo aynu cunno cuntada waddaniga ah ee beereheena ka soo go,day oo beeralaydeenu wax soo saarkooda suuq ha u helaan,laakiin haddaynaan isu tashan meelna gaadhi mayno halisna ka bixi mayno waxa keliya ee aynu nolosheena dib ugu soo kaabi karnaa waa talo qoys illaa qaran isku xidhan oo cuntada ay ku noolaanayaan kala soo baxa dhulkooda isla markaana suuq u noqda beeralaydooda laakiin imika waxaynu suuq u nahay beero dalal kale oo shisheeye kuweeniina suuq la,aan ayay wax u beeri waayeen.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply