“Haddaanu Kulmiye nahay Waxaanu diyaar u nahay Doorashada Golaha Wakiiladu Inay wakhtigeedii Qabsoonto” Axmed Cabdidheere

0
595

Hargaysa (Dawan):- Guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Axmed Cabdi Dheere ayaa sheegay in ka xisbi ahaan ay diyaar u yihiin in doorashada Golaha Wakiilada ay ku qabsoonto wakhtigii loo muddeeyay.

Axmed Cabdi Dheere oo shalay u waramayay telefishanka Bulsho tv,waxaa kale oo uu intaa raaciyay in ay kulammo yeesheen xisbiyada mucaaridka ee WADDANI iyo UCID, balse aan wax natiijo ah wali laga gaadhin kulammadii ay yeesheen.

Waxaa kale oo uu tilmaamay in kulan kale ay maanta isugu imanayaan xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI kulankaas oo uu ka rajeeyay in ay guul kaga gaadhi doonaan qodobada la xidhiidha sidii doorashada golaha wakiiladu dalka uga qabsoomi lahayd. Waxaanu intaa raaciyay in doorashada goleyaasha deegaanku inay tahay arrin qaran oo u yaalla qaranka oo dhan, isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Shalay waanu kulanay xisbiyada Waddani iyo UCID is afgarad kamaanu gaadhin arinkii aanu isku haynay laakiin wada hadaladii way noo socdaan, berito (maanta) waxaanu ballansanahay in aanu kulano xisbiga Waddani waxaanan rejaynaynaa in ay noo hirgasho sidii doorashada Golaha Wakiiladu innoogu dhici lahayd. Haddaanu xisbiga Kulmiye nahay waxaanu diyaar u nahay mar kasta in doorashada Golaha Wakiilada wakhtigeedii ay ku dhacdo. Saddexda xisbi ayaanu ku galaynaa doorashada markaa sadddexda xisbi isla gartaan wakhtiga ay dhacayso doorashadu ayay inoo dhacaysaa doorashada goleyaasha deegaanku waa wax qaranka u yaalla oo laga wadahadli doono.”

Guddoomiye ku xigeenka oo hadalkiisa sii wata, ayaa intaa raaciyay “Komishanka Doorashooyinka meel ayaanu ka taagannahay oo ah shaciyadda xisbiga Waddani meel ayuu ka taagan yahay ta aanu mudadaa badan ka wada hadlaynay waa taa Komishanka, meel aanu uga talaabsanaynaa ma jirto annaga waxa na saaran in aanu sharciyada dalka ilaalino,”.

Axmed Cabdidheere, ayaa sheegay in aanay wax dhaliil ah lahayn qudbaddii Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi u jeediyay labada gole qaran, waxaanu yidhi “Khudbad sannadeedkii madaxweynuhu ka jeediyay labada gole Baarlamaan waxa uu kaga hadlay wixii u qabsoomay mudadaa sannadka ah iyo wixii mustaqbalka u qorshaysan in Xukuumaddu qabato, in xisbiyada mucaaradku ku dhaliilaan khudbadda madaxweynaha may ahayn waayo iyagu masoo qoraan waxaanan filayaa in aanay la hayn khudbadaasi meel laga dhaliilo.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply