Wasiirka Shaqada oo Ka Qaybgashay Munaasibadda Qaybinta Lacagta Agoonta ee Hay’adda Al-dawa

0
578

Hargeysa (Dawan):- Hay’adda Islaamiga ah ee Al Dawa ayaa 566 ka mid ah agoomaha reer Somaliland u qaybineysa  qadar lacageed oo dhan laba boqol iyo todoba iyo todobaatan kun iyo afar boqol iyo laba iyo afartan (277,442-kun) iyadda qaybinteeduna socon doonto muddo  shan iyo toban cisho.

Hadaba hay’addan oo ah mid iyaddu u istaagtay inay ka shaqeyso caawinta agoonta ayaa munaasibad ay qaybinta lacagtani ku shaaacineysay ku qabatay gudaha magaalada Hargeysa.

Waxaana xafladii qaybinta lacagta agoontaasi ka soo qayb-galay, masuuliyiin ay ka mid yihiin wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada marwo Hinda Jaamac Xirsi, agaasimaha hay’adda Al Dawa Casam Axmed, agaasimaha guud ee hay’adda diiwaanka sakadda Sheekh Shariif Cumar, walidiinta ubadka agoonta, iyo marti sharaf kale.

Ugu horreyn Hooyo Saado Ibraahin Cismaan oo ku hadlaysay afka agoomaha lacagta loo qaybinay waxaa ay tidhi “Hay’adda waxaanu leenahay miisaanka xasanaadka ILLAAHAY  heydiinku daro, sida wanaagsan ee aad agoomaha gacanta ugu haysaan ee aad u horumarineysaan,ILLAAHAYNA miisaankii xasanaadka heydiinku daro, waliidka ubadka dhalay hadii aanu nahay waanu idinka mahad naqeynaa”

Agaasimaha hay’addaha Islaamiga ah ee Al Dawa Casam Axmed  ayaa faahfaahiyay qadarka ay dhan tahay lacagta agoonta la siin doono waxaanu yidhi “Maanta(shalay) laga bilaabo waxaanu bilaabeynaa qaybinta lacagtii agoonta, Somaliland tiradda guud waa 566 agoon ah , dhammaantoodna lacagtoodu waxaa weeye laba boqol iyo todoba iyo todobaatan kun iyo afar boqol iyo laba iyo afartan (277,442-kun oo dollar) oo dhammaan Somaliland ah, waxaana qaybinta lacagtani ay socon doonta muddo shan iyo toban cisho ah, kaliya lacag uun maaha ee qaar ka mid ah agoonta waxaanu u dhisnay guryo, iyo mashaariico kale, halkan waxaan ka salaamaya muxsiniinta dawladda Qadar oo arrintan ka faala qaadka agoonta xil weyn iska saaray, maalkooda iyo awlaadoodana ILLAAHAY haw barakeeyo, hay’addu kaliya agoonta uun kuma koobna waxaanu ka hawlgalla biyaha, wakhtiga bisha Ramadaan  bulshada ayaanu caawinaa, xiliyadda ciidanna xoolo ayaanu u qalnaa, xukuumadda taladda dalka heysaana waan uga mahad celinayaa”

Casam isaga oo hadalkiisa sii wata,ayaa  intaa raaciyay tiradda dugsiyadda ay gacanta ku hayaan ee ay ubadka agoonta ah wax ku baraan waxaanu yidhi “Qaybta waxbarashada oo kale waxaanu gacanta ku heyna 850 dugsi, waxaanan ka soo qaadaya iskuulka Hargeysa, Boorama, Burco, waxaa ka soo baxa arday fara badan waxaanu siinaa deeqo waxbarasho oo dalka Suudaan ayaanu u dirnaa ardaydaa, marka ay dugsiga sare ka soo baxaan si ay waddankooda aqoontii ay soo barteen dib ugu soo celiyaan, wasiirka wasaaradda shaqo-gelinta waxaan ka codsanaya in aanu iska kaashano sidii aanu  uga wada shaqeyn lahayn kafaala qaadashada agoonta dalka ee aan heysan wixii ay wax ku baran lahaayeen”

Ugu dambeyn wasiirka wasaaradda shaqadda iyo arrimaha bulshada marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani oo iyaddu soo afmeertay munaasibaddan ayaa waxaay tidhi”Goobtan loogu kaalmeynayo ubadka yaryar ee agoonta ah ee EEBBE ka dardaarmay waxaa mahad oo dhan iska leh ALLAHA inoo sakhiray arrintan, sidoo kale waxaan u mahad celinayaa dedaalka ay hay’addu ku bixisay dhammaantood waxaanan ALLE uga baryayaa inuu miisaanka xasanaadka ugu daro, muxsiniinta camalkooda ku darsaday inay u sadaqadeeyeen dad aanay aqoon oo aaney arkeyn, Irbado la urruriyay madax birabay dhalaan ayaa la yidhi kun kun hadii aynu isku darno waxaay noqoneysaa boqolaal dollar, hase ahaate waxaa innaga maqan in aynu wax qabsan karno, iyo in aynu isla qabano intaba, ALLENA waxaan ka baryaya inuu ina garansiiyo inaynu nahay qaar iyagu is anfici karaya, dhab ahaantii waxaa aan qiraya in hay’addaha Islaamiga ahi ay qabtaan wax muuqda, oo anfac leh, oo bulshadda dhexdeeda galla, oo qoys waliba gurigiisa ka dareemo, waxaanan idin leeyahay dedaalka libin laaba waxaa aad bixiseen Somaliland agoomaheeda rubucna kama aha”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply