WEEDHA WARGEYSKA “WAXAN AHAY MACAAN IYO QADHAADH MEEL KUWADA YAAL”

0
4654

Allah ha u naxariistee Gabyaagii caanka ku ahaa ee lagu yiqiin curinta iyo farshaxameynta suugaanta raandhiiska leh ee bulshadana saameynta ku lahaa, sidoo kalena laga dhaxlo hal ku-dhegyo dhaxal-gal ah oo isugu jira kaftan, maad iyo hogo-tusaaleyn, isla markaana lagu tirin jiray Abaawannada tufka leh, ayaa waxay ka mid ahayd tixdan dusha sare ku xusan oo aan kasoo dhex xushay gabayadiisii tirada badnaa oo qormadan maanta aan uga dhigay cinwaan, waxa uu gabaygani ku bilaabay sidan:-

DACARTUBA MARBAY MALAB DHASHAA AAD MUUDSATAA DHABAQE,

WAXAN AHAY MACAAN IYO QADHAADH MEEL KUWADA YAALE,

MIDIGTEYDA IYO BIDIXDEYDU WAA LABA MATAANOODE,

MIDI WAA MARTIDA SOORA IYO MAATA DAADIHISE,

MIDINA WAA MINDDIYO XIIRAYIYO MUR IYO DEEBAAQE……….

Gabeygan oo ahaa mid uu si aad ah ugu caan baxay Allah ha u naxariistee Abawaan Qaasim ee gaadhay illaa heer loo tarjumo afafka qalaad, waxa uu ahaa mid uu ugu jawaabay rag odayaal ah oo fikrad qaldan ka aaminsanaa marxuumka, markaan waxan hadda usoo qaadanay inuu jawaab u noqdo mas’uuliyiinta Somaaliya ee Farmaajo hoggaamiyo iyo kuwa dabada kasoo riixayo ee Madaxda u ah Maamul-goboleedkiisa Puntland ee ay weli deeqi la’dahay waar gardarrada naga daaya oo nabadbaa caana macaane aan nabad kuwada noolaano.

Madax iyo Minjo dadka reer Somaliland dhibaatooyinkii kala duwanaa ee wada ogaa ee uu Taliskii Siyaad Barre ee lagu wada jiray, haba lagu kala awood badnaadee u geystay maanta waxan raad taariikheed ahayn mooyee wax kale oo cadaawad ah oo beelaha Somaaliyeed ay u qabaan ma jirto, weliba waxay jecel yihiin in dadka Somaaliyeed nabad iyo deganaansho helaan si ay u hiigsadaan, una tallaabsadaan xagga hormarka.

Haseyeeshee, Walaalnimadaa iyo nasteexnimada reer Somaliland la daba taagnaayeen Somaaliya tan iyo intii ka dembeysay burburkii dawladdii Somaaliya, ayey khalad ka fahmeen Hoggaamiyayaashii u kala dembeeyey xukunka dalkaasi, taasoo ay u arkeen jileec iyo aragtiyo kale oo daciifa, balse ay horeba kubka iyo bawdada ugaga jabeen kuwii aaminsanaa fikradahaa mala-awaalka iska ah.

Sababahan ayaa ah kuwa hadda Farmaajo kusoo dhiiriyey inuu marar badan kusoo xadgudbo xuduudaha caalamiga ee Jamhuuriyadda Somaliland isagoo adeegsanaya Madaxda Maamul-goboleedkiisa Puntland oo magac qabyaaladeed ku sheegta dhul ka mid ah xuduudaha la aqoonsan yahay ee JSL, waana maangaabnimo cidda ku fikireysa sidan, waayo waa arrin dunidu hore uga baaraandegeen, isla markaana kasoo saareen shuruuc caalamiya oo ah, in xuduudaha loo daayo sidii hore ay ugu kala madeeyeen gumeystayaashii kala qeybsaday siiba Afrika.

Sidaa waxa loo yeelay waxay ahayd, si loo kala badbaadiyo Afrikaanka oo aanu midna ka kale ugu xadgudubin xuduudihiisa isagoo marmarsiiyo ka dhiganaya qabiilkayaga ayaa deggan, mida gardarrada cad ah ee maanta Madaxda Somaaliya kusoo shubeen reer Puntland waa taa sharciyada caalamiga ah laga soo saaray, hadday dhab ahaan sidaa u aaminsan yihiin maxay Itoobiya iyo Kiiniya ugu qabsan waayeen kuwa ay isku heybta yihiin ee ku nool xuduudaha dalalkaasi.

Si kasta ha ahaatee, waxaanu leenahay waar khalad ha ka fahmina kalgacalkayaga faraha badan iyo wanaagga aan mar walba la jecelnahay magaca Soomaali oo dhan, haseahaatee haddaad nala garan weydaan samaha iyo nabad kuwada noolaanshaha, waxad ogaataan in reer Somaliland yihiin QADHAADH IYO MACAAN MEEL KUWADA YAAL, idiina furantay inaad ka gurataan hadba ka garaadkiinu idin siiyo.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply