Daily Nation: Somaliland oo ka Jawaabtay Dacwad ay Soomaaliya ka Gudbisay

0
643

Nairobi (Dawan)- Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Kenya, Baashe Cawil Cumar ayaa sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay dal madax-bannnaan oo aanay jirin wax ka hor istaagaya inay la macaamisho dalalka kale ee caalamka.

Danjire Baashe Cawil wuxuu sidaasi ku sheegay warbixin uu daabacay Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa magaalada Nairobi oo ay soo xigatay Wakaallada Wararka Somaliland (SOLNA).

Wakiil Baashe Cawil wuxuu naqdiyey Dawladda Soomaaliya oo ka xumaatay socdaalkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ku tagay dhowaan dalka Imaaraadka Carabta oo ay heshiisyo hore u wada galeen Somaliland, waxaanu cambaareeyey Soomaaliya oo Golaha Ammaanka u gudbisay dacwad ka dhan ah dalka Imaaraadka Carabta oo ay ku haysato Socdaalkii Madaxweynaha Somaliland.

Danjire Baashe Cawil wuxuu ku dooday inay Somaliland tahay waddan madax-bannaan oo sii wadaya inuu aqoonsi caalamiya ka dalbado dalalka caalamka.

Waxa kale oo uu xusay in Jamhuuriyadda Somaliland aanay wax fasax ah uga qaadaynin Soomaaliya inay iskaashi la yeeshaan caalamka.

“Waxaan ku celinayaa in Somaliland ay tahay waddan madax-bannaan oo leh soohdimo la aqoonsan yahay, isla markaana ay leedahay dawlad la soo doortay. Somaliland waa u xor inay cilaaqaad la yeelato dalalka caalamka ugamana baahna Soomaaliya wax fasax ah,” ayuu yidhi Wakiilka Somaliland u fadhiya Nairobi.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply