Somaliland oo Imaaraadka Kaga Qayb Gelaysa Shir Ku Saabsan Maalgashiga

0
711

Dubai (Dawan): Masuuliyiin ka socda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa magaaladda Dubai kaga qayb gelaya shir ku saabsan maalgashiga adduunka oo sannadkiiba mar lagu qabto wadanka Imaaraadka Carabta.

Somaliland sannadkii labaad ayay ka qayb gelaysaa shirkan, in ka badan 139 dawladood ayaa ka qayb gala sannad walba shirkaasi oo ka qabsooma magaaladda Dubai. Kaas oo la filayo in uu maalmaha soo socda furmo.

Wadan waliba waxa uu soo bandhigaa fursadaha maalgashi ee ka bannaan wadankiisa. Waxaana la filayaa in masuuliyiinta ka socda Somaliland ee shirkaasi ka qayb gelayaa ay ku soo bandhigi doonaan fursadaha maalgashi ee ka bannaan Somaliland.

Waxa kale oo inta shirkaasi socdo kulamo iyo shirar lala yeeshaa wasiirrada dawladda Imaaraadka Carabta. Sida uu sheegay wakiilka Somaliland u jooga magaaladda Dubai ee isu-taga Imaaraadka Carabta, danjire Xasan Yaasiin, oo u warramay warbaahinta dawladda Somaliland.

“Waxaan filaynaa in sannadkan in ay shirkan nagala soo qayb galaan wasiirro dhawra. Somaliland-na ay fursad u heli doonto in ay soo bandhigi doonto, meelaha ugu badan ee fursado maalgashi ay ka jiraan.

Taas oo ay sahashay xidhiidhka dhaw, iskaashiga iyo maalgashiga uu Imaaraadka Carabtu ka sameeyay dalka Somaliland” ayuu yidhi damjire Xasan Yaasiin.

Danjire Xasan isaga oo hadalka sii watayna waxa uu yidhi “Shirkan waxaa noogu diyaara shirkado waaweyn oo danaynaya in ay maalgashadaan Somaliland oo muddo badan xidhiidh noo soo socday. Waxaanan rejaynaynaa in fursadda shirkan nooga bannaan ay tahay in aanu ku soo jiidano indhaha caalamka”.

Shirkan waxaa la filayaa in ay ka qayb geli doonaan masuuliyiin ka socda xukuumadda Somaliland oo ay ka mid yihiin wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran Cade, maayarka degmadda Bullo-xaar, iyo xubno dhalinyaro reer Somaliland ah oo sameeyay hal-abuur ganacsi.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply