Laasacanood: Dhalinyaro Deeq Biyo Dhaamisa Gaadhsiiyay Dad Barakacayaal ah

0
669

Laascaanood (Dawan) Kaamka barakayaasha Guumeys ee gobolka Sool oo ay degan yihiin dad gaadhaya kun qoys, kuwaasi oo la darisa biyo la’aan iyo cuno yari ayaa waxaa deeq biyo ah gaadhsiiyay urrurka dhalinyaradda ee Tallo Wadaag, kuwaasi oo kaashanaya maamulka degmadda Yagoori.

Sidoo kale gudoomiyaha degmada Yagoori mudane Iidle Xuseen ayaa xukuumadda iyo hay’addaha dawliga ah iyo kuwa aan dawliga aheynba ugu baaqay in ay soo taakuleeyaan walaalahooda xooluhu ka baxeen ee ku nool kaamka Daarasalaam ee deegaanka Guumeys ee gobolka Sool.

Xubno ka mida urrurka Tallo Wadaag oo ka hadlay biyo dhaamiskan ay u sameeyeen bulshada ku nool kaamkaasi ayaa yidhi “Waxaanu nahay xubno ka mida urrurka dhalinyaradda ee Tallo Waddag ee deegaanka degmadda Yagoori, waxaanu deeq caawimo ah oo biyo dhaamis ah soo gaadhsiinay kaamka xeryaha qaxoontiga ee magaalada Guumeyseed, halkaasi oo ay ku sugan yihiin dad barakacayaala oo xooluhu ka dhammaadeen, waxaana deeqdani la soo baxay urrurka dhalinyaradda ee degmadda Yagoori ka hawlgalla, lana yidhaaho Tallo Wadaag”

Gudoomiyaha degmadda Yagoori mudane Iidle Xuseen ayaa xukuumadda Somaliland ugu baaqay in la soo taakuleeyo dadka xooluhu ka baxeen ee degan kaamka Darasalaam ee deegaanka Guumeys ee gobolka Sool waxaanu yidhi “Waxaan halkan baaq uga diraya hay’addaha caalamiga ah kuwa muxaliga ah, qurba joogta, ganacsatadda xukuumadda talladda dalka heysa, dadka goobtani degani Illaahey bay u degan yihiin, waar dadkiina soo caawiya ayaan leeyahay”

Qaar ka mida bulshada kaamka Darasalaam ee gobolka Sool ayaa halkaasi ka hadlay, waxaanay faahfaahin ka bixiyeen xaalada iyo tirada qoysaska kaamkaasi ku nool, waxaana hadaladoodi ka mid ahaa “lix boqol, lix iyo labaatan (626) qoys ayaa degan goobtan, dhanka biyaha aad iyo aad ayay ugu liitaan, hay’addo booyaddo aan badneyn ah keenay mooyaane biyo hore may helin, maanta biyahaasi waa ay noo bilaabmeen.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply