Mudanayaasha Guurtida oo ka Dayriyay Xaaladda Caafimaad ee Cisbitaalada Dalka

0
650

Hargeysa (Dawan) Mudanayaasha Golaha Guurtidda Somaliland ayaa si weyn uga dayriyay xaalada caafimaad ee cisbitaalada dalka, gaar ahaan kuwa gaarka loo leeyahay, kuwaasi oo ay sheegeen in adeeg bixintooda caafimaad ay tahay mid liidata.

Xildhibaan Dayib oo ka mid ah muanayaasha golaha guurtida Somaliland, ayaa sheegay in cisbitaalada gaarka loo leeyahay ee dalka loo furtay ganacsi ahaan, islamarkaana hooyadda uurka leh iyadda oo aan gaadhin xiligii foosha qalliin 700 oo dollar ah lagu sameynayo.

Sidoo kale Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasin Dheeg, ayaa masuuliyiinta cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa ugu baaqay in ay dedaal dheeraad ah muujiyaan, Waxaaney mudanayaashani shir gudoonka golaha guurtidda ka codsadeen in loo yeedho wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka, si arrrimahan wax looga weydiiyo.

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasin Dheeg isaga oo ugu horeyna arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Cisbitaalkeena guud maalintii aan wadanka soo galney, waxaa lagu bilaabay irbada lagugu tolaayo soo iibso, cudbiga dhiiga lagaa marinayo soo iibso, angaloofisyadda gacmaha la gashanayo soo iibso, weli sidii ayaa loo iibsadaa, qofkii cisbitaalka soo gala inuu soo galay kii dawladda ha u arko, oo halaga badelo sidii maalintii aynu wadanka soo galay uu ahaa ee aanay waxba oolin.

Cisbitaalka guud waxaan ugu baaqaya inuu qaado talaabada ay qaadeen laamaha kale ee dawladdu, wax wal oo cisbitaal lagaga shaqeeyo waa la keenay ee ha loogu shaqeeyo bulshada muwaadiniinta ah.”

Xilddhibaan Axmed Daahir Jirde ayaa isaguna arrintaasi ka hadlay waxaanu yidhi “Cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, waliba qaybta dadka xanuunka maskaxda qaba maalin dhaweyd oo aanu kormeer ku soo marney, waxaa ka muuqata dadka maskixiyan xanuusanaya dhibaato aad iyo aad u daran, qaar waadhka hortiisa iska jiifa, kuwa cadceeda iyo bannaanka hore ee cisbitaalka iska fadhiya, daawo yari, waxaan leeyahay cidii ay khuseyso aynu u yeedhno si aynu tallo iyo waano u siino”

Xildhibaan Dayib Xasan Axmed oo isaguna arrintan ka hadlay waxa uu yidhi “Xaaladda haweenka umulaya oo kale way yaraan jirtay in si kadisa gabadha qaliin loogu sameeyo, imika gabadhii marka qaliiin lagu sameynayo lacag ilaa 700 oo dollar ayaa ku baxeysa, gabadhu markii hore mudo shan maalmooda ayay foolan jirtay laakiin imika maalin kaliya ma foolato marka dhakhtarka la keeno, taasina waxaa sabab u ah cisbitaaladii oo ganacsi ahaan loo furtay, lacagbaa gashay birtaasina halisteeda ayay leedahay, ee waxaan soo jeedinayaa birta lagula cararayo qofkii dumarka aheyd in laga daayo oo halkii hore ee ay awalba ahaan jirtay lagu celiyo, marka lacagta faraha badan ayay daneysanayaan ayaan qabaa dadkaasi midida kula cararaya haweenka uurka leh, hase ahaate ka dawladda boqol iyo konton wax ka badan macaa adeegooda lagama qaado”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply