“Somaliland iyo Soomaaliya waxay muhiim u yihiin horumarka iyo Amaanka Geeska Afrika” Dr Abiy

0
937

Jigjiga        (Dawan)- Raysal-wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed ayaa shaaca ka qaaday in xukuumadiisu diyaar u tahay dhexdhexaadinta Somaliland iyo Soomaaliya.

Sida lagu baahiyey wakaalada wararka AllAfrica.com shalay, Raysal-wasaare Abiy oo warkan ka sheegay xilli uu dorraad ka hadlayey gebagebada shirweyne Xisbiga Dimoqraadiga Soomaalidu ku yeeshay magaalada Jigjiga, oo dib u habayn loogu samaynayey hay’adaha Fulinta iyo Golaha Dhexe ayaa raaciyey in qorshahiisu yahay xasilinta Geeska Afrika.

“Anigoo ka jawaabaya dalabkiinii sannadkii hore ee la xidhiidhay xaalada Somaliland iyo Soomaaliya, xukuumadaydu waxay bilowday dedaalo lagu raadinayo wada xaajood dhexmara Somaliland iyo Soomaaliya.

Dr. Ahmed ayaa sheegay in labada dhinac muhiim u yihiin horumar iyo ammaan ka hirgala Geeska Afrika, waxaanu yidhi, “Somaliland iyo Soomaaliya waxay muhiim u yihiin horumarka iyo Amaanka Geeska Afrika.”

Hadalka raysal-wasaaraha Itoobiya ayaa ku soo beegmaya muddo ka dib markii madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi martiqaad rasmi ah ah ku tegay dalka Itoobiya.

Dhinaca kale,  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Xisbiga Dimuquraadiga Soomaaliyeed ee Itoobiya oo qabsaday shirkii 10aad oo ay ku doorteen hoggaan cusub ee Xisbiga SDP, oo Md Axmed Shide iyo Md. Mustafe Muxumed Cumar loogu kala doortay Gudoomiyaha iyo Gudoomiye-ku-Xigeenka xisbiga.

Madxweyne Md Muuse Biixi ayaa sidoo kale ku bogaadiyey dawladda Federaalka Itoobiya iyo xisbiga talada dalkaasi gacanta ku haya ee EPRDF, ee uu qaybta ka yahay xisbiga SDP sida dimuqraadiyada iyo bisaylka xisbinnimo ka muuqato ee uu ugu dhamaaday shirkaasi, taasoo ka turjumaysa talo wadaaga, kala danbaynta iyo jiritaanka xisbinimo ee geeska Afrika, waxaanu madaxweynuhu si gaara ugu hambalyaynayaa horumarka iyo guusha xisbiga dawlad deegaanka Soomaalida ee SDP uu ka gaadhay doorashadaasi.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply