Su’aalaha Sugaya inuu ka jawaabo Khayre

0
604

Raysal wasaaraha xukuumada Muqdisho Xasan Khayre ayaa laga sugayaa inuu ka jawaabo su’aalo ay u diyaariyeen Kongarayska Maraykanku, iyada oo la filayo in uu maalmaha soo socda hortago. Su’aalahani waxay yihiin kuwo la doonayo inuu si ku filan uga jawaabo Khayre si gargaarka loogu sii wado. Su’aalahan waxay ka yimaadeen Hay’ada lacagta adduunka, Banka adduunka, Kongarayska Maraykanka, Aqalka cad ee Maraykanka iyo waaxda arrimaha debbeda Maraykanka. (the International Monetary Fund, World Bank, U.S. Congress, White House, and State Department).

Su’aalaha oo ka badan 10 su’aalood waxa ka mid ah socdaalka faraha badan ee Farmaajo, mushahaarka ciidanka Muqdisho, xidhiidhka China, Turkiga ee arrimaha Somaliya iyo arrimaha Somaliland. Su’aalahaas waa kuwan.

  1. Maxa yool ugu dhigateen midnimada Somaliya Somaliland?

Somaliland oo ka goday Somaliya sanadkii 1991, tan iyo wakhtigaasna waxay ku socotay horumar iyo deganaansho, halka Somaliya inteedii kalena uu ka jiro qas iyo dagaalo. Sanadihii 1988 ilaa 1991 Somaliland waxa loo geystay xasuuq ay abaabushay dawladii Melateriga ee Muqdisho. Maxa ka filaysaan Somaliland?  Sidee  midow loo rajaynayaa iyada oo Somaliya uu gurigeedii qasan yahay?.

Sidee Barlamaanka Muqdisho uu xubno Somalinad ah ugu daray iyada oo aanay Somaliland soo dooran, isla markaana aanay weligood cag dhigin Somaliland? Miyaanay ahayn in Somaliland mowduuceeda gees layska dhigo inta xal loo helayo arrimaha amaanka, degnaanshaha iyo musuq-maasuqa Somaliya?

Hadii aad ku doodaysaan in xukuumadaadu sharci ahaan uga taliso dhulka Somaliland oo dhan maxaad boqolkiiba 30% uga siin weydaan deeqaha calaamku guud ahaan Somaliya idiinku soo dhiibo, oo ah saamiga dadka Somaliland, haddii aad sidaa samaysaan miyaanay idiin soo jiideen qalbiyada dadka isla markaana miyaanay shaqayseen dib u heshiisiintu?

  1. Waa maxay sababta Soomaaliya u dalbanayso gargaar caalami ah oo dheeraad ah?

Kaalmada Somaliya Maraykanku siiyo oo dhan 900 million oo Dollar iyo in kale oo Beesha caalamka ee kale siiyaan maxaa lagu qoondeeyey? Horumar maxaa loogu samayn waayey, gaar ahaan dhinacyada Amaanka, fidinta maamulka, dhqaalaha iyo waxbarashada?

  1. Maxay tahay sababta mushaharka Muqdisho uu aad ugu sareeyo?

Mid ka mid ah waxyaabaha lala yaaban yahay waxay yihiin mushahaarka shaqaalaheeda oo aad u sarreeya, laakiin adeegyadii iyo waxtarkii ay aad uga hooseeyeen.  Somaliland, oo u shaqaynaysa si  madaxbannaan mushahaarku waa ka jaban yahay ammaankiina way xasiliyeen, maxaa sababay Soomaaliya?

  1. Musuq-maasuqa maxaa kaaga Qorshaysan?

Iyada oo Somaliya ay dhinaca musuq-maasuqa qiimayntii ugu danbaysay ay ka gashay kaalinta ugu hoosaysa, welina uu sii socdo boobku, sidaa Maraykanku uu gargaarka ugu sii wadayaa iyada oo ay Somaliya dhinaca Musuq-maasuqa ka hoosaysa dalalka  Venzuela, Afghanistan ama Waqooyiga Kuuriya? . wax wasiiro ama kaaliyeyaal ah ma u eriday musuq-maasuq dartii?.

  1. Maxay Farmaajo safaradiisu u badan yihiin?

Farmaajo wuxuu dhaleecayn jiray safarka faraha badan ee debeda, wuxuuna ku ololayn jiray inuu safarka yarayn doono oo Muqdisho fadhiyi doono. laakiin  hadda waxaa aad u badan safarka Farmajo ee dalka dibeddiisa, isaga oo ku riyaaqaya duulimaadyo raaxo ah Muxuu Farmaajo u baahan yahay inuu u safro dibadda?  Halkii uu Muqdisho joogi lahaa oo ka shaqayn lahaa dib u soo kabashada dalka?  Miyaanay ahayn shaqadii wasiirka arrimaha debeda? Intaa uu debeda ku maqan yahay ayaa wada shaqo maalmeedkii Soomaaliya?

  1. Soomaaliya ma badbaadinaysaa hadii AMISOM baxdo?

Waxa loo jeedaa AMISOM shaqadeedu may ahayn in ay Al-Shabaab la dagaalamaan, laakiin in ay siiso Soomaaliya fursad ay dib u dhisto ciidankeeda. Laakiin ciidankii ayaaba ka cabanaya in mushaarkooda la lumiyay (eeg su’aasha 3), askartuna ma rabaan inay dagaallamaan lacag la’aan. Sidaa awgeed, maadaama ciidamada AMISOM ay bilaabaan inay gurigooda ku noqdaan, Soomaaliyana ma leh ciidan shaqaynaya. Yaa lagu soo oogay dacwad ah in uu khayaamaynayo mushaaraadka askarta? Ma waxaad ka filaysaa Soomaaliya in ay ka hortagto al-Shabaab haddii ciidanku aanu rabin inuu la dagaallamo?

  1. Haddii aad gargaarka Maraykanka doonayso maxay xukuumadaadu China uga kiraysay dalkeeda?

Waxaad joogtaa Washington oo waxaad dalbanaysaa gargaar dheeraad ah, laakiin dawladaadu waxay kiraysatay xuquuqda kalluumeysiga ee Shiinaha. Ma waxaad aaminsan tahay in Shiinuhu uu u jeedo Soomaaliya? Haddii aanay ahayn, muxuu yahay danihiisu? Iyada oo budhcad-badeednimadu ay weli tahay arrin adag, ayaad Shiinaha u oggolaatay in biyaha Soomaaliya ay sii kordhiyaan shaqada kalluumeysiga miyaanay taasi dib u soo celinayn in budhcad badeednimadii ka sii socoto Geeska Afrika? Halkee  ayaad se ku bixiseen lacagtii ka soo baxday heshiiska Shiinaha?

  1. Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda waxaad weydiisatay inay dhexdhexaadiso khilaafka Kenya maxaad u sugi weydeen go’aanka?

Xukuumadda Soomaaliya ayaa waydiisatay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda inay dhexdhexaadiso khilaafka xudduudaha badda ee Kenya, laakiin waxay sii wadaa heshiisyo qarsoodi ah oo ku saabsan xuquuqda baadhitaanka Gaaska ee aagga lagu muransan yahay. Miyaanay arrintaasi cadho gelinayn Kenya oo ciidamadeeda ku tiirsan tihiin?

  1. Maxay Somaliya faraha ula gelaysaa Muranka Falastiin iyo Isreal?

Toddobaadyadii la soo dhaafay, Soomaaliya ayaa shaqadii ka eriday  Cabdullaahi Dool, oo ahaa sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda, kaas oo sheegay in cadaawada reer binu Israa’iil aanay dani ugu jirin Soomaaliya? Erigaas ma sharxi kartaa iyo in ay arrintaa  danta Soomaaliya tahay?. Sidoo kale, miyaad sharaxi kartaa xusuusta Faaduma Cabdullaahi Maxamuud, Safiirka Soomaaliya u fadhiya Switzerland, ka dib markii ay ka aamustay go’aankii UN-ka ee lagu xukumay Golan Hieghts?

  1. Miyaad aaminsan tahay in Turkigu yahay xoog xasilinaya Soomaaliya?

Iyada ooTurkigu si weyn ugu maal-galiyay Soomaaliya, haddna waxa uu isticmaalayaa in Turkiga dhexdhexaadiso khilaafka Soomaaliya iyo Somaliland. Dhanka kale, Turkiga ayaa xarun millatari ka dhisay magaalada Muqdisho, ciidamadiisuna waxay u muuqadaan in ay siinayaan tababar iyo caawimo kooxaha xagjirka ah ee Islaamiga ah gudaha Soomaaliya. Xaaladahaas oo jira, ayaa waxa kale oo jira warar sheegaya xidhiidhka Turkiga ee Al-Shabaab, Turkiga dhab ahaantii ma la odhan karaa waa xoogga xasilinta Soomaaliya? Iyada oo la tixgelinayo arrimaha musuqmaasuqa Soomaaliya iyo Turkiga labadaba, miyaad doonaysaa inaad soo bandhigto shuruudaha heshiiska oo si cad ula xisaabtamaya dhammaan maalgelinta ka dhalatay maaraynta madaarka iyo heshiisyada saldhigyadiisa?

Leave a Reply