Labaatan Milyan oo Dollar oo lagu Horumarinayo Beeraha Somaliland

0
737

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda qorsheynta iyo horumarinta qaranka Somaliland mudane Cawaale Ibraahim Shirwac, ayaa sheegay in hay’adda USIAD ay 20 milyan oo dollarka Maraykanka ah ku bixineyso mashaariicda horumarineed ee dhanka beeraha.

Sidoo kale wasiirku waxaa uu xusay inay qayb libaax leh ka qaadanayaan sii xoojinta mashaariicda horumarineed ee hay’adda USIAD ay wadanka ka wado, islamarkaana ay fulin doonaan mashaariic horumarineed oo ay ka mid yihiin horumarinta beeraha, xanaanadda xoolaha iyo kalluumeysiga.

Dhanka kale wasiirku waxaa uu tilmaamay inay daneynayaan in ay ka qayb qaataan mashruuca isku xidhaya Berbera iyo Wajaale ee Berbera Corridor.

Waxaanu wasiirku sidan ka sheegay kulan uu xafiiskiisa kula qaatay wefti uu hogaaminayo u qabsanaya Somaliland iyo Soomaaliya ee hay’adda Mareykanka ah ee magaceeda loo yaqaano USIAD.

Wasiirka wasaaradda qorsheynta iyo horumarinta qaranka Somaliland mudane Cawaale Ibraahim Shirwac isaga oo ugu horeyn arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Maanta halkan waxa nagu soo booqday madaxa wadanka u qaabilsan hay’adda USIAD, ahna hay’ad Mareykana, islamarkaana wadamada ka caawisa dhanka horumarka oo uu ninkani yahay u qaybsanaha Somaliland iyo Soomaaliya, safaaradda Mareykankana uu ka socdo, waxaa ay nala wadaageen mashaariicaha dhanka horumarka ee hay’addoodu wadanka ka fuliso, waxaa kale oo ay nagala hadleen qaybaha ay mihiimadda siinayaan ee ay wax inagala qabanayaan”

Wasiir Shirwac isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu intaas ku daray “Waxaa ay farta ku fiiqeen inay ahmiyad siinayaan mashaariicaha dhanka beeraha, xoolaha, iyo sidoo kale dhanka Dimuquraadiyadda. Marka anaguna waxa aanu hor dhignay waxyaabaha aynu doorbidayno ee aynu ahmiyadda koowaad siineyno, waxaa kale oo ay ka hadleen inay daneynayaan sida daneeyayaasha kaleba ay daneeyaan mashruuca Berbera Corridor, ugana faa’ideysan lahaayeen iyaga laftooduna ay wax ugu dari lahaayeen qaybna ay uga noqon lahaayeen.”

Wasiirka wasaaradda qorsheynta iyo horumarinta qaranka Somaliland mudane Cawaale Ibraahim Shirwac waxaa uu is dultaagay qadarka lacagta ee ay hay’addani ku bixineyso mashaariicda horumarinta beeraha, waxaanu yidhi “Waxaa ay nala qireen in aanay Somaliland laheyn maal amase lacag aanu ku maalgelino qorshaha horumarinta qaranka ee labaad, sidaasi darteed waxaa ay jecleysteen inay na dhageystaan, islamarkaana ay eegaan meelaha ay naga caawin karaan, mashaariic beeraha oo 20-milyana ay noo sheegeen iyo mashaariic kale oo dhanka xoolaha ah oo iyana ay xuseen inay qadar lacageed oo intaas oo kale ah ay u qoondeeyeen inay ku bixiyaan, waxaanu ka wasaaradd ahaan soo hor dhignay qorsheyaashi aanu waagi dhaweyd soo saarney ee ahaa horumarinta qaranka Somaliland.”

Leave a Reply