Nuxurka Heshiis ay Wada Galeen Xisbiyadda KULMIYE Iyo UCID

0
598

Hargeysa (Dawan) – Xisbiyada UCID iyo KULMIYE ayaa qalinka ku duugay heshiis ay ka gaadheen khilaafkii ka taagnaa Qabsoomidda doorashada, waxaanay labada xisbi shalay si rasmi ah u shaaciyeen war-murtiyeed ka kooban 6 qoddob oo ay ka soo saareen arrimaha u diyaar-garowga doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha deegaanka.

Prof. Maxamed Cabdi Ebyan. Musharraxii Madaxweyne ku-xigeen ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID wuxuu goobta uu heshiisku ka dhacay ka akhriyey Qodobbada heshiiska ee Xisbiyadu kala saxeexdeen, waxaanay u dhignaayeen sidan :-

  1. Labada Xisbi ee UCID iyo KULMIYE waxay isku afgarteen in doorashooyinka Goleyaasha deegaanka iyo Wakiillada ee qorshaysan in ay qabsoonto 13-ka December, 2019 inay ku qabsoonto wakhtiga loogu talo-galay.
  2. In Komiishanka doorashooyinka Qaranka ee hadda jiraa uu bilaabo hawlihii diwaangelinta iyo u diyaar-garowga doorashooyinka Goleyaasha deegaanka iyo Wakiillada.
  3. Waxay Xisbiyada Qaranka ee UCID iyo KULMIYE isla qaateen in 01 August, 2019 la soo xulo Komiishanka doorashooyinka ee cusub, komiishanka oo tiradiisuna tahay 7 xubnood. Komiishanka Doorashooyinka ee hadda shaqaynaya ayaa u idman sii wadidda hawlaha qaban-qaabada doorashooyinka illaa dhammaadka muddo-xileedkooda, iyadoo Komiishanka cusubna uu ula shaqayn doono hab tababbar ah iyo inay u diyaar-garoobaan inay la wareegaan xilka, iyaguna qaban doonaan doorashada.
  4. In Komiishanka doorashooyinka ee cusub lagu daro laba xubnood, lagana dhigo 9 xubnood, doorashada Goleyaasha degaanka iyo Wakiillada, loona gudbiyo Golaha Wakiillada ee dambe.
  5. Labada Xisbi ee UCID iyo KULMIYE waxay isla qaateen in meel looga soo wada jeedsado qabsoomidda doorashooyinka deegaanka iyo Wakiillada, wada shaqayn buuxdana ay la yeeshaan Komiishanka doorashooyinka.
  6. Sidoo kale, waxay Xisbiyada UCID iyo KULMIYE isla afgarteen in la sameeyo Guddi Madax-bannaan oo si habsami ah ula socota geeddi-socodka diwaangelinta yo qabsoomidda doorashada, si loo hubiyo, loona ogaado in doorashadu u qabsoonto si xor iyo xalaal. Guddigan oo ka koobnaan doona xubno kala matali doona Waddamada qaadhaan-bixiyeyaasha iyo Asxaabta Qaranka.

Ugu dambayn, Xisbiyada UCID iyo KULMIYE waxay u soo jeedinayaan Waddammada qaadhaan-bixiyeyaasha Doorashooyinka Somaliland inay soo bixiyaan qaadhaanka kaga aadan qabsoomidda doorashooyinka Goleyaasha deegaanka iyo Wakiillada.”

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland mudane Maxamed Kaahin Axmed ahna gudoomiye ku xigeenka xisbiga KULMIYE, ayaa hadal ka jeediyay kadib markii qodobadaasi la akhriyay, waxaanu isdul taagay hantidda ugu weyn ee xisbiyadda qaranku leeyihiin, waxaanu yidhi “Xisbiyaddu hanti kale ma leh, ilma kale oo ay ku tabcaan ma leh, xisbiyaddu waxaa ay leeyihiin barnaamij siyaasadeed ay u sameysteen doorashooyinka ay tartanka ku kala helayaan, anagu waxaa aanu ka doorbidi weynay in arrinkaasi doorashada, labada xisbi gacmahooda aan waxba laga saarin, in aanu ku burburin doorashadii, diyaar ayaanu u nahay, dhawaana waanu wargelin doonaa dadka damaca siyaasadeed leh.”

“Waxaa ay ku qurux badan tahay oo ay ku wanaagsan tahay in saddexda xisbi qaraar wada qaataan, haddii ay taasi suuragliweydo, waxyaabana xisbiyadda qaraar ayay ku wada qaataan, xisbi waliba waajibaad gaara ayaa saaran” ayuu yidhi Maxamed Kaahin Axmed wasiirka arrimaha gudaha Somaliland.

Gudoomiye ku xigeenka xisbiga UCID Prof. Qaasim Tubeec ayaa xisbiga WADDANI ugu baaqay in ay si wanaagsan uga soo qayb galaan doorashadda la filayo inay dalka ka dhacdo waxaanu yidhi “Xisbi haddii uu isku dayo inuu dantiisa uun raaco oo uu yidhaaho aniga waxan ayaa ii dan ah, marka dantii qaranku waa ay lumeysaa loomana baahnaa, waxaanu xisbiga WADDANI u soo jeedineynaa mar iyo laba iyo saddexba inay si wanaagsan uga soo qayb galaan doorashada.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply