Taliyaha Booliska oo Gaadhi Madaxweynuhu ugu Deegay Ku Wareejiyay Degmada Ceegaag

0
558

Hargaysa(Dawan):-Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa gaadhi Lancruiser ah ku wareejiyay taliyaha degmada Ceegaag oo ka tirsan gobolka Saraar,kaas oo madaxweynaha Somaliland ugu deeqay.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan,ayaa usoo jeediyay masuuliyiinta degmada Ceegaag in shaqada qaranka lagu qabto gaadhiga uu ku wareejiyay.

Taliye Fadal oo arrimahaa ka hadlayaana waxaa uu yidhi. “Waxa madaxweynaha qaranku u iibiyay gaadhigan degmada Ceegaag waxaanan ku wareejin doonaa taliyaha saldhiga degmada Ceegaag waxaana loogu talo gaadhigan in shaqada qaranka lagu qabto,gaadiid faro badan ayuu madaxweynuhu u qalabeeyay ciidanka booliska dhismayaal badanna wuu u sameeyay ciidanka booliska.mashaariico kale ayaa usoo socda wax badan ayaanu ka bedeli doonaa gaadhigani hawshii dhinaca nabadgelyada ee degmada Ceegaag.”.

Agaasimaha guud ee Wasaarada Diinta iyo Aw Qaafta Somaliland aadan Cabdilaahi Cabdala oo isna munaasibadda gaadhiga lagu wareeninayay masuuliyiinta degmada Ceegaag ka hadlay,ayaa uga mahadnaqay madaxweynaha Somaliland gaadhigaas uu ugu deeqay degmada Ceegaag.waxaanu yidhi“Waxaan u mahadnaqayaa madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo gaadhigan ugu deeqay degmada Ceegaag ee gobolka Saraar,waxaanan halkan u joognaa gaadhigan aynu ku wareejinayno taliyaha degmada Ceegaag waxaanan kula dardaarmayaa masuuliyiinta degmada in gaadhigan loogu shaqeeyo qaranka.Maaha markii ugu horraysay ee horumar noocan oo kale ah Xukuumaddu ka samayso degmada Ceegaag waxaana degmadaas Xukuumaddu ka samaysay saldhigii booliska.”.

Dhinaca kale Taliyaha booliska degmada Ceegaag Sulub Gaas Guutaale ayaa madaxweynaha Somaliland uga mahadnaqay gaadhigan lagu wareejiyay waxaanu sheegay inay baahi u qabeen gaadhigan.

Dawannews Hargeysa offices

Leave a Reply