Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex oo Kulan la Yeeshay Madaxda Degmooyinka iyo Laamaha Dawladda ee Heer Gobol

0
563

Hargeysa (Dawan): Guddoomiyaha gobolka Maroodijeex Jaamac Xaaji Axmed Cabdi ayaa kulan la qaatay gudoomiyayaasha degmooyinka hoos yimaada gobolka iyo madaxda laamaha dawladda ee heer gobol.

Waxaana kulankaas diirada lagu saaray hadii ay abaartu sii adkaato sidii dadka biyo iyo cunno loo gaadhsiinlahaa iyadoo xilligii la filayay uu roobkii gugu dib uga dhacay.

Guddoomiyaha gobolka Maroodijeex mudane Jaamac Xaaji Axmed Cabdi ayaa warbaahinta la hadlay kulankaa ka dib, ayaa faah faahin ka bixiyay ujeedada kulankaas,waxaanu yidhi. “Kulankan waxaa aanu kaga wada hadalnay adkeynta wada shaqeynta iyo xidhiidhka degmooyinka iyo isu duweyaasha degmooyinka, iyo u diyaar garowga maalinta qaran ee 18-ka May, loogana diyaar garoobayo dhammaan Somaliland oo dhan gaar ahaan gobolka Maroodijeex, oo gudidiisii heer gobol aanu dhawaan ku dhawaaqi doono iyo arrinta abaaraha, oo dhab ahaantii abaar daran ayaa wadanka ka jirta, taas oo sababtay xaalad cunno la’aan, biyo la’aan, iyo xaaluf ba’an oo soo food saaray xoolaha nool, ALLE ayaynu weydiisaneynaa gacantiisa ayaa lagu deeq toonaadaaye inuu raxmaad deg deg ah inna siiyo, iyo in loo diyaar garoobo hadii abaartu sii adkaato sidii dadka loo gaadhsiinlahaa biyo iyo cunto”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply