Waajibaadka la iska doonayo Soonka bisha Ramadaan

0
2338

Waxaa wanaagsan oo muhiim ah marka hore inaan ogaano soonka fadliga uu leeyahay si bacdamaa aan ugu baratano faa’idadiisa qaaliga ah oo sanadkii mar na soo marta.

Xadiis ku jira saxiixul Bukhaariga iyo Muslim oo uu soo weriyay Abuu-Hurayra A.K.R (Allaha ka raali noqda’e) wuxuu yidhi: ”Camal kasta oo bani aadamku la yimaado oo camal san ah waa loo lan-laabayaa, halkii wanaagna toban laab ayaa looga dhigaa ilaa toddaba boqol oo laab, Allah kor ahaaye wuxuu yidhi: ”Camalka kale oo dhan Inbu Aadamka ayaa leh, Soonka mooyaane, soonka anigaa iska leh, anigaana ka abaal marinaya, wuxuu qofka soomaani ka tagay hawadiisii iyo cuntadiisii aniga dartay” qofka soomani laba jeer ayuu farxaa; (marka uu afurayo iyo marka uu rabbigii la kulmayo). Urka afkiisa ayaana Alle agtiisa ka udgoon carafta Miskiga”.

Hadaba maxaa u gaar ah bisha Ramadaan?

Bisha barakaysan ee Ramadaanka waxaa u gaar ah arrimahan soo socda oo kala ah

Soonka waa tiirka afraad ee tiirarka Islaamka ruuxii beeniyana waa gaal

Waxaa la soo dejiyey bisha Ramadaan Qur’aanka kariimka

Waxaa sunna ah bisha Ramadaan in la tukado salaada taraawiixda

Waxaa Ramadaanka dhacay dagaalkii Bedar ee dadka taariikhda aqriyey la socdaan wacdaradii meeshaa ka dhacday.

Sidoo kale bisha Ramadaan waxaa dhacay furashadii nabiga (s.c.w) loo ballanqaaday oo ahayd furashadii Makkah Al-Mukarramah, dadkii reer Makkana ay Islaamka u soo galayeen is daba joog

Waxaa la furaa bisha Ramadaanka albaada jannada, waxaana la xidhaa albaabada naarta iyo shayaadintaba. Laakiinse shayaadiinul insi nagama maqna (dadka alle ku caasigaroobay)

Marka waxyaalaha aan kor ku soo sheegnay oo dhan waa nicmatullah uu Alle u gaar yeelay inta rumeysay si ay uga faa’idaystaan khayraadkaasi faraha badan ee bisha Ramadaan.

Marka la soomayo Ramadaanka

Waxay waajib noqonaysaa in soomo Ramadaanka marka la arko bisha Ramadaan ama ay Shacbaan ku dhammaato soddon. Waxaana waajib ah in lagu soomo aragtida hal qof oo muslim ah oo aanan wax fiqsi iyo been lagu aqoon, laakiin bilaha kale lama aqbalayo wax ka yar la qof oo Muslimiin ah oo wanaagooda la yaqaano. Lagumana afurayo wax ka yar argtida bisha ay arkaan laba qof oo Muslimiin caaddiliin ah ama in bisha soddoonkeesa buuxsamo.

Maxaa la xidhiidha Soonka

Qofkasta oo Muslim ah waxaa ku waajiba inuu soomo sannad kasta bisha Ramadaan oo noqota 29-30 maalmood sida Qur’aanka iyo sunnada ku xusan. Qofkii beeniya faral ahaanta soonka, Islmaaka ayuu kaga baxayaa. Qofkii afura maalin soon isaga o haysan cudur daar caqli gal ah, waa danbiile weyn. Haddii la sheego soomidda bisha Ramadaan cudurdaar la’aan caqli gal ah awgi, ama qofku dayaco inuu soomo waa ku faral inuu gadaal ka gudo, markii uu awoodi karo, inuu dhakhso iska gudo baana door roon.

Waa maxay waajibaadka Soonka

Dunida aan maanta ku nool nahay wax walba waajibaad bay leeyihiin bal aan fiirino waajibaadka Ramadaanka waana kuwan

  1. Waxaa waajib ku ah qofka sooman inuu ka tago xanta iyo beenta, xantana waxaa la yiraahdaa in aad qof walaalkaa ah ama walaashaa ah aad ka sheegto wax uu dhibsanayo haba ahaato
  2. tilmaantaa. Namiimnimada oo ah warka loo kala qaado dadka dhexdiisa oo dabadeedna ay dadkii is dhexmaraan ama ay dhalato fidno iyo fasaad
  3. Lacnada (oo habaarida ah)
  4. Cayda waa inuu iska ilaaliyo oo aanu afkiisa ka odhan eray xun noocuu doono ha noqdee isla markaana aanu dhageysan, indhihiisa waa in aanu xaaraan ku fiirin, carrabkiisana uu ka dhowro inuu ku hadlo wax xaaraan ah, sida beenta ama hadal been ah oo la abuurto. Rasuulkii Allena isaga oo ka hadlaya arrimahan soo sheegnay wuxuu yiri. (“Qofkii aan iska dayneyn, beenta iyo ku dhaqankeeda Ilaahay dan kama laha inuu qofkaasi ka tago cuntadiisa iyo cabbiddiisa”). Waxa laynaga doonayaa in aan Afka, Isha iyo Ibtaba ka Soono.

Maxaa Soonka buriya

  1. Cunto iyo cabid kas ah, Alle waa naxariiste ka ugu wanaagsan sidaa daraadeedna qofka hadduu hilmaamo isaga oo sooman inuu wax cabo ama cuno Alle wuu u ogolaaday soonkiisa inuu jira
  2. Galmada yacni waxa loo jeedaa ma samayn kartid adiga oo Sooman nooc kasta ha ahaatee, sidoo kale waa la mid ah manida (shahwada) qofka sooman soo jeed kaga timaado, ama ii iskaga keeno gacantiisa, Daawasho IWM. Laakiinse waxba kuma jabna inuu nin la fadhiisto Afadiisa, laakiinse haddii aanu qofku hanan karin naftiisa inuu ka dheeraado (afadiisa) inta maalinnimada ah.
  3. Irbadaha iyo faleebooyinka nafaqa sideyaasha ah.
  4. haweenka haddii uu ka yimaado dhiig caado ama mid dhalmo 5. Iska matajin kas ah, haddiise aan la iska keenin soonku kuma burayo
  5. ka bixidda diinta Islaamka (riddoobid), Allaa ka magan galne’e

Shuruudaha Soonka

Shuruudaha uu ku ansixi karo soonku waa laba nooc:

Shuruudaha ansixidda oo ka dhigaya soomidda ansax

Shuruudaha aasaasiga ah oo la doonayo in lahelo la’aantoodana soonku qofku waajib ku ahayn

Shuruudaha ansixidda iyo aqbalidda Soonka

Inaad tahay Muslim, soomidda qofka gaalka ah ma aha ansax

Inaad tahay daahir (haweenka) waa inay ka yihiin daahir caadada (xaydka) iyo (Nifaaska) dhiiga la yimaada dhalmada

Inaad niyaysato habeennimada soonka maalinta xigta, niyadduna waa inaan lagu dhawaaqin, maxaalkeeduna (booskeeda) waa qalbiga. Qofka walibana gaarkii buu u niyaysan haddiina uusan qofku horay uniyaysan xittaa haddii uu markaa ka af qabsado oo uu ka joogo dhammaan waxa ka reebban qofka sooman, soonkiisu ma ansaxayo

Waa inaad tahay qaan gaar; Soonka lagama rabo ilmo aan baaluqin

Inaad garowsantahay faral ahaanta soonka.

Inaad fayowdahay oo aad caafimaad qabto; waa inaad ka maran tahay tabar darro gaarsiisan heerka ay shareecadu qofka ka cafido inuu soomo.

Soonka dhexdiisa waxa Sune ah

Waa sunno inaad wax cunto ama cabto Eedanka Salaada subax ka hor (yacni inaad suxuurato) walow aad qaadato dhowr xabbo oo timir ah ama dhowr kabbo oo biyo ah.

Waxaa sunno ah inaad dib dhigto suxuurta oo aad qaadato wax yar ka hor waaberiga.

Waxaa sunno ah in dhakhse loo afuro marka qorraxdu dhacdo, intaan salaadda la tukan, iyada oon lagu talax tagayn si waqtiga salaadda loo dhowro

waxaa sunno inaad afurka ku af billowdo timir ama biyo cad Rasuulkii Allena wuxuu yiri: (”Dadka khayr kama suulayaan inta ay afurka dedjinayaan suxuurashadana dib u dhigayaan”).

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply