Wasaaradda Gaashaandhiga Oo Laba Baabuur Ku Wareejisay Maxkamadda Derejadda Ciidamadda Koowaad ee Goboladda Galbeedka Dalka

0
789

Hargaysa (Dawan): Wasiirka wasaaradda gaashaandhiga jamhuuriyadda Somaliland ayaa shalay ku wareejiyay laba baabuur oo ay wasaaradiisu ugu deeqday maxkamadda ciidamada derejadda koowaad ee goboladda Galbeedka dalka.

Waxaana munaasibadii wareejinta joogay taliyaha maxkamadda ciidamadda qaranka Somaliland, agaasimaha waaxda gaadiidka iyo farsamadda ee wasaaradda gaadiidka iyo jidadka iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan wasaaradda gaashaandhiga.

Wasiirka wasaaradda gaashaandhiga Cabdiqani Maxamuud Caateeye, oo hadal ka jeediyay wareejinta labadan gaadhi ayaa sharaxaad ka bixiyay noocyadda labadan baabuur ee ay wareejiyeen iyo masuuliyiinta lagu kala wareejiyay.

Waxaanu yidhi “Waxaan maanta (shalay) ku wareejinaynaa laba baabuur, oo aanu ku kala wareejinayno guddoomiyaha maxkamadda ciidamadda qalabka sida ee derejadda koowaad, ee goboladda Galbeedka, iyo isu-duwaha gobolka Awdal ee maxkamadda ciidamadda qaranka.

Labadan gaadhi oo midna yahay Xaajiyad, midna Land Crouser yahay, ayaanu ku kala wareejinaynaa”.

Wasiir Caateeye, ayaa sidoo kale faahfaahin ka bixiyay baahida keentay in gaadiidkan ay ku wareejiyaan maxkamadda ciidamadda qalabka sida ee goboladda Galbeedka.

“Markii aanu ogaanay baahiyaha ay qabaan, maxkamadda ciidamadda derejadda koowaad ay koow ka tahay, in ay baahi weyn qabtay, oo haddii Hargaysa wixii ka galbeedeeya ay wax ka dhacaan aanu jirin gaadhi uu ku tago.

Waxaana jirtay in dhawr jeer maxkamadda ciidamadu codsiyadaas ay noo soo gudbiyeen, aanay nagu jirtay in aanu wax ka qabano baahidaas. Waxaanan garanay mar haddii aanu tashiilayno kharashka wasaaradda, in aanu gawaadhidayadda hagaajino, oo aanu kuwa hagaagsan siino maxkamadda ciidamadda galbeedka”.

Taliyaha maxkamadda ciidamadda qaranka gaashaanle sare Saleebaan, ayaa isaguna ka waramay baahidda ay u qabeen gaadiidkan lagu wareejiyay. Waxaanu yidhi “Wasiirka gaashaandhigu, baabuurkii uu isagu lahaa ee qaranku siiyay, ayuu waxa uu gartay in uu maxkamadda ciidamadda ee goboladda Galbeedka ku wareejiyo, baahi jirtay awgeed”.

Waxa kaloo uu sheegay gaashaanle dhexe Saleebaan, in ay sidoo kale baahi weynu qabaan in ay gaadiid helaan maxkamadaha ciidamadda ee aaga goboladda Bariga. Hase yeeshee wuxuu wasiirka gaashaandhiga uga mahad celiyay labadan gaadhi ee uu ku wareejiyay maxkamadaha ciidamadda ee Galbeedka.

“Waxa kaloo iyadna naga dhiman, oo baahi adagi noo haysaa, maxkamadda ciidamadda ee derejadda koowaad ee goboladda aaga bari, oo gaadiid la’aan ah, oo in badan baahidaas qabay.

Sidaas darteed waxaan aad iyo aad ugu mahad naqaynaa wasiirka gaashaandhiga sida uu noo qadariyay iyo siduu u gartay muhiimadda ay leedahay maxkamadda derejadda koowaad ee goboladda Galbeedka” ayuu yidhi gaashaanle dhexe Saleebaan.

Geesta kale Muuse Yuusuf Ibraahim, agaasimaha waaxda gaadiidka iyo farsamadda ee wasaaradda gaadiidka iyo jidadka ayaa ku amaanay wasiirka gaashaandhiga sida xil-kasnimadda leh ee uu u gartay in ay wareejinta baabuurtan qayb ka noqdaan wasaaradda jidadka iyo gaadiidku.

Muuse Yuusuf Ibraahim, oo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Aad ayaan ugu mahad naqayaa wasiirka gaashaandhiga oo gartay in aanu qayb ka ahaano wareejinta labadan baabuur.

Tanin-na waxay muujinaysaa xil-kasnimo ay muujiyeen wasiirka iyo madaxda gaadiidka ee wasaaradaasi”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply