Weftiga Wasiir Ku xigeenka Masar oo Socdaal ku Tegay Berbera

0
636

Berbera (DAawan):- Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimada dibedda dalka Masar Mr. Xamdi Sanad Luza oo maalmihii u dambeeyay safar shaqo ku joogay Somaliland, ayaa booqasho ku tegay xarunta gobolka Saaxil ee Berbera.

Waeftiga Masar ee uu hoggaaminayo wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda Mr. Xamdi Sanad Luza, ayaa waxaa gobolka ku soo dhaweeyay madaxda gobolka Saaxil.

Weftiga Wasiir ku xogeenka ayaa booqday Dekedda Berbera oo ay soo arkeen hannaanka ay u shaqayso iyo hawlaha shaqo ee ka socda, waxaana warbixin ka siiyay hannaanka ay shaqada dekedda Berbera u socoto Maareeye ku xigeenka dekeda Berbera Cabdi Cabdilaahi Xasan Mataan oo ka warramay hawlaha shaqo ee dekedu ay qabato iyo siday shaqadu u socoto.

Waxaanu Maareeye ku xigeenku war bixin ka siiyay horumarka ballaadhan ee ay dekeddu gaadhay sannadihii u dambeeayay.

Waxaa kale oo ay weftigu booqdeen xarunta Kutubta ee Berbera (Berbera Bublic Libareri), waxaana halkaa ku soo dhaweeyay weftiga Maayerka degmada Berbera Cabdishakuum Maxamuud Ciddin waxaanu weftiga reer Masar uu uga warramay xarunta Kubutba Berbera iyo maraaxilkii ay soo martay iyo kutubta taalla ee laga heli karo iyagoo weftigu qaybaha laybareerigu ka kooban yahay oo dhan soo wada maray.

Ugu dambayn guddoomiyaha gobolka Saaxil Eng. Axmed Cismaan Xasan oo weftiga ku soo dhaweeyay gobolka Saaxil ayaa uga mahad celiyay weftigu socdaalka ay ku tageen xarunta gobolka Saaxil, waxaanu warbixin ka siiyay halka uu marayo qaranka Somaliland iyo siday dadkiisu isugu tashadeen ee ay wax u wada qabsadeen, waxaanu wasiirka ka codsaday in wixii uu ku arkay Somaliland in uu kaga war geeyo oo uu ka warramo xaqiiqada uu Somaliland ku arkay ee uu indhiisa saaray.

“ugu horrayn waan idiinka mahad celinayaa wasiir socdaalkiina aad ku timaadeen gobolka Saaxil idinkoo fikirkaad markii hore ka haysateen Somaliland iyo ka aad hadda ku aragteen ay kala duwan yihiin waxaan idinka codsanaynaa in waxaad indhihiina aad ku aragteen in aad nagaga war geysaan,” ayuu yidhi Goddoomiyaha Gobolka Saaxil.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply