Bisha Ramadaan iyo Quraanka

0
2560

Quraanka waxa lagu soo dhiibay Malakul Jibriil, wuxuuna noqday Malaa’iigta ka ugu fadliga badan ama Siyadul Malaa’iig. Waxa lagu soo dejiyey Nebi Maxamed (SCW), wuxuuna noqday ka ugu fadliga badan Basharka ama Aadamiga. Waxa la soo dejiyey Bisha Ramadaan, bisha Ramadaana waxay noqotay bisha ugu fadliga badan bilaha. Waxa la soo dejiyey Habeen ka mid ah tobanka danbe ee bisha Ramadaan, Habeenkaasina waxa uu noqday Habeenka ugu fadliga badan Habeenada, waxaana uu ka fadli badan yahay kun Habeen sida Quraanka lagu sheegay.

Waxa halkaa ka muuqda fadliga Quraanka. Hadaba Quraanku waxa uu soo degay bisha Ramadaanka sida uu Alle ku qeexay Aayadaha 185 ee suurada Al-baqara, Aayada 3aad ee suurada Al-dukhaan, Aayada 1aad ee suurada Al-qadri. Ramadaanku waxa uu fursad inoo siinayaa in aan dib u habayno xidhiidhka aan la leenahay Alle sw inaga oo booqanayna waqtina ku qaadanayna (ku ictikaafayna ama ku negaanayna) guriga Alle sw sida uu Alle ku tilmaamay Aayada 187aadee suurada Al-baqara. Waxaan waqti fiican la qaadan doonnaa Quraanka inaga oo akhrinayna kuna bogaadsanayna dhadhanka suuban ee nafsada u roon iyo micaha gudaha ballaadhan ee uu xambaarsan yahay, waxa ay ka dhigan tahay inaga oo dhegaysanayna Ilaahay hadalkiisa ama akhrinayna fariinta uu Alle inoo soo diray weliba inaga oo joogna Allah gurigiisa, waa boqorka boqorada, waa abuuraha koonka ballaadhan ee aynu aragno waa naxariistaha cadaalada badan, Quraanku qalbiga u roon, marba hadii aan gurigii Alle joogo oo aan si

fudud u akhrisanayo fariimihiisa ama aan dhegaysanayo mid ka mid ah Qurraa’da quraanka isaga oo ku akhrinaya fariinta Alle cod dhegaha u roon,Alla nasiib badaniyaa!!!! Wuu nasiib badan yahay qofkii fursadaa hela.

Jawiga farxada, kalsoonida iyo raynrayntu ku dheehan tahay ee guriga Ilaahay, waxaa ii sii dheer ballan qaadyada, bishaarooyinka,barakada, iyo naxariista, is daba socdo ee aan ka dhex helayo fariimaha Alle sw waa Quraankee,

Quraanku waa fariin xaga Alle inooga timid oo qoraal ah, waana wadada kaliya ee aan ku hagaajin karno xidhiidhka inoo dhexeaya inaga iyo Alleheena sababta oo ah Alle sw markii uu Aadam iyo caruurtiisa ka soo eryay Janada ee ay ku soo hoobteen dhulka,Alle sw waxa uu kula –taliyay Aadam caruurtiisa in hadii ay u yimaadaan fariin wadayaal ama rusul ka qisoonaaya Allah sw Aayadihiisa ama xambaarsan hannuunka Alle cidii raacda in aanay lumi doonin kana badbaadi doonto kadeed aduun iyo mid aakharo intaba.

Hadaba si aynu u hagaajino xidhiidhka Alle waxaa lagama maarmaan ah inaynu si qoto dheer u akhrino fariinta inooga timid xaga Alle, si aynu isu dul taagno qaababka aan Allah ku wada xidhiidhi karno, annaga oo qaadan doonno talooyinka iyo waanada Alle ee ku xusan Quraanka kariimka.

Sidaa awgeed bisha Ramadaanku waxa ay fursad inoo siinaysaa inaynu furno kitaabkaAlle kadibna si degan u akhrino si aan u hagaajinno xidhiidhka aan Alle la leenahay, inkasta oo akhrinta iyo ku camal-falka Quraanku ku koobnayn bisha Ramadaan oo kaliya hadana bishani waxa ay na siinaysaa fursad dahabi ah sababto ah waxaa xidhan shayaadiinta dadka lumiya.

Qofka Akhriya Quraanka waxaa looga baahan yahay Eedaab.

1. Inuu yahay daahir, kana madhan yahay jinaabadii, qofkii dumarka ahaana ka madhan tahay labadii dhiigba, sidoo kalena aanu ku akhrin goob iyaduna aan ahayn daahir. 2. Qofka akrinaya kitaabka Ilaahay waa inuu la yimaad ikhlaas iyo inuu niyada galiyo inuu camalkan iyo akhriskan dar Ilaahay u qabanayo. 3. Waxa haboon Markuu qofku bilaabayo akhriska quraanka waa inuu u jeedsadaa dhinaca qibaladu ka xigto. 4. Markuu akhrinayo kitaabka Ilaahay waa inuu soo xaadiriyaa qalbigiisa oo aanu ku mashquulin wax kale, si uu u wayneeyo kitaabka Alle. 5. Markaad akhrinayso quraanka Rabbi waa inaad la timaado(tadabur) ama u fiir-fiirsataa macanha ayaadaha ilaahay, si aanad u noqon kuwuu Eebbe quraankiisa ku yidhi ” miyaanay ku tadaburayn quraanka mise waxa xidhmay quluubtoodii”, quraanka boobsii ha kaga dhigin dul istaag ayaad kasta, fahana macanaha ay leedahay. 6. Waxa habboon inaad quraanka ku akhrido goob ka fog qaylo iyo dhibaato, waana inaad ku akhrido quraanka cod dhexdhexaada.

7. Ma haboona inaad u kala jarjarto quraanka akhriskiisa hawlo aduunyo, sida daawashada muuqbaahiye, ama dhagaysiga idaacad, iyo wixii la mida. 8. Waxa habboon in qofku markuu akhriyayo kitaabka Rabbi inuu ilaahay baryo, hadduu soo maro ayaad jano ka waramaysa, Eebbe waydiisto jano, dhinaca kalana hadduu soo maro ayaad ka waramaysa naarta inuu Rabbi ka magan galo, sidaas oo kalana sameeyo ayaadaha kale. 9. Waxa fiican inuu qofku barto habka loo akhrinayo quraanka (Tajwiidka) waxa loo yaqaan, inuu barto ayaa aad u mihiima, waayo waxay kaa caawinaysaa barashada (Tajwiidku) inaad si qurux badan u akhrido quraanka oo maqalku ku raaxaysto. 10. Waxa waajiba in qofku awaamir Eebbe farayo iyo wuxuu ka reebayo ee ku sugan aayd kitaabka Alle ee uu akhriyo inuu sidooda u qaato.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply