Khasaaraha ka Dhashay Roob Dabaylo Watay oo ka Da’ay Degmadda Caynaba

0
525

Caynaba (Dawan): – Roob dabaylo watay oo ka da’ay degmada Caynaba ee gobolka Saraar ayaa waxaa ku dhaawac may laba qof, halka ay ku burbureen dhismayaal dhawr ahi.

Dhismayaasha uu Roobku jingadda ka qaaday waxa ka mid ah xarunta dawladda Hoose ee degmada Caynaba, waxaa kale xafiisyo ay ku lahaayeen wasaaraddaha diinta aw-qaafta, xisaabaadka gobolka, kastamka Caynaba, hay’adda barakacayaasha qaranka iyo xafiisyo kale oo ay dawladdu leedahay.

Maayarka degmada Caynaba iyo xildhibaanno ka mid ah golaha deegaanka Caynaba oo soo kormeeray goobaha waxyeelladu soo gaadhay, ayaa ka warramay waxyaabaha ay arkeen iyo khasaaruhu inta uu leeg’yahay oo warbaahinta la hadlay ayaa yidhi “Roob weyn buu ahaa oo dabaylo wata, waa ILLAAHAY mahaddii haddaan maanta la lahayn qofbaa meyd ah, laakiin waxa jira nin iyo gabadh uu dhalay ah oo dhaawac ah, inantii waxa loola cararray cisbitaalka guud ee magaalada Burco.”

Maayerka oo hadalkiisa sii wata,ayaa intaa raaciyay“Dhismayaasha dawladda hoose, guryo ay leeyihiin dad kale oo shacab ah,ayay waxyeelo soo gaadhay oo intaas ayaa jirta”

Ugu danbeyn maamulka dawladda hoose ayaa codsaday laga taageero dib u dhiska xaruntooda uu roobku dumiyey, waxayna si gaar ah farriin ugu direen wasaaradda arimaha gudaha.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply