“Sannad ay Ka Fiican Tahay Sool Ma Jirto Nabad Gelyadana Masuuliyadbaa Naga Saaran.”Guddoomiyaha Sool

0
541

Hargaysa(Dawan):-Guddoomiyaha Gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe ayaa ugu baaqay dadweynaha gobolka Sool in ay ilaashadaan Nabadgelyada,isla markaana u diyaar garoobaan xuska 18 May.

Cabdiqani Maxamuud Jiidhe oo shalay la hadlay warbaahinta ayaa uga mahadceliyay dadweynaha gobolka Sool siday ugu diyaar garoobeen xuska 18 May,waxaanu intaa ku daray in masuuliyadi ka saarantahay ilaalinta nabedgelyada.

Cabdiqani Maxamuud Jiidhe oo arimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi“Dadweynaha gobolka Sool aad ayaan ugu mahadcelinayaa sida diyaar garawga ballaadhan ay ugu jiraan ee ay ugu diyaar garoobayaan xuska 18 May ,xuska 18 May Waa in ay muujiyaan calaamadahooda nabadgalyada, muddo shan cisho ah ayaa innooga hadhsan xuska 18 May, masuuliyad ayaa naga saaran meel walba qaswade waa laga helayaa in ummaddu nabad ku noolaato qofna looga baydhi maayo nabadgalyada waa in la ilaashado nin aan kuu furi doonin yaanu ku rarin ayay Soomaalidu tidhaahdaa,Sannad uu gobolka Sool uu ka fiican yahay ma jirto hadday Horumar noqoto haday nabadgelyo noqoto iyo hadday ganacsiga noqoto maanta waa lagu tartamayaa gobolka Sool ganacsigiisa iyo maalgashigiisaba.”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply