Madaxweyneku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Oo Xadhigga Ka Jaray Carwadda Ganacsiga ee Bisha Barakaysan Ee Rammadaan+Sawiro.

0
490

Hargaysa-(Dawan)- Madaxweyneku-xigeenka jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici), ayaa maanta xadhigga ka jaray carwada ganacsatadda ee bisha barakaysan ee Rammadaan, taasi oo lagu qabtay magaaladda Hargeisa.

Xubno ka tirsan xukuumadda Somaliland iyo ganacsato tiro badan ayaa Madaxweyne ku-xigeenka kala qayb galay munaasiabadaas carwadda ganacsiga, halkaas ay ay ganacsatadu kusoo bandhigay agabyo kala duwan, islamarkaana fursad u ah macaamiisha kala duwan ee ku xidhan ganacsatada reer Somaliland.

Madaxweyneku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ganacsatadda Somaliland ugu baaqay inay ilaaliyaan shuruucda iyo qawaaniinta qarankan u degsan islamarkaanna ay maciishadda u khafiifiyaan bulshadda reer Somaliland waxaana kamid ahaa hadaladdii Madaxweyneku-xigeenka “Ganacsatadda waxaan ugu baaqayaa inay ixtiraamaan shuruucda, waxaan ugu baaqaynaa inay bulshadda u naxariistaan oo maciishadda ka khafiifiyaan, sarifkana ay ilaaliyaan, annaguna waxa waajib nagu ah siyaasadii lagu dhiqi lahaa ganacsiga inaanu la nimaadn,” ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenku.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa oo soo kormeeray dukaamadda ganacsiga ee carwadaasi lagu soo bandhigay isagoo ugu hambalyeeyay guulaha ganacsi ee ay qaarkood gaadheen.

 

 

Image may contain: 7 people, people smiling, people standingImage may contain: 7 people, table and outdoorImage may contain: 4 people, indoorImage may contain: 2 people, people sittingImage may contain: 2 people, suitImage may contain: 8 people, people sittingImage may contain: 2 people, people standing, shoes and indoorImage may contain: 2 people, people sitting and suitImage may contain: 3 people, people standing and indoorImage may contain: 2 people, people sitting and suitImage may contain: 13 people, people standingImage may contain: 10 people, people standing and suitImage may contain: 3 people, people standing, people sitting and suitImage may contain: 1 personImage may contain: 2 people, people smiling, suitImage may contain: 1 person, standing and textImage may contain: 9 people, people sitting and suitImage may contain: 1 person, suitImage may contain: 8 people, people smiling, people standingImage may contain: 6 people, people standingImage may contain: 3 people, people smiling, people standingImage may contain: 2 people, people standing and indoorImage may contain: 2 people, people standing and indoorImage may contain: 14 people, people standing

Leave a Reply