Waftigii Xisbiyada KULMIYE iyo UCID oo ka Warbixiyay Safarkoodii Nairobi

0
761

Nayroobi (Dawan) Weftigii ka socday xisbiyada Somaliland ee Kulmiye iyo UCID oo maalmihii u danbeeyay ku sugnaa dalka Kenya ayaa faahfaahin ka bixiyay kulamadii kala gadisanaa ee ay la qaateen masuuliyiin ka tirsan Kenya iyo kuwa beesha caalamka u jooga dalka Kenya, waxaaney xuseen inay kala hadleen doorashada baarlamaanka ee lagu wado inay ka qabsoonto Somaliland dabayaaqada sannadkan.

Waxaaney sidan ka sheegeen shir jaraa’id oo ay ku qabteen gudaha dalka Kenya.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland mudane Maxamed Kaahin Axmed isaga oo ugu horeyn arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Ujeedada socdaalkayagu waxaa uu ahaa in aanu la kulano urruradda dawladdaha bulshadda caalamka, gaar ahaan dalalka reer Yurub iyo Mareykanka, iyo in aanu xidhiidhayadda kor u sii qaadno dawladda Somaliland iyo ta Kenya, muddadii aanu joogney waxaa aanu aragnay dawladdo faro badan iyo urruro caalamiya, dawladaha Yurub safaaradahooda halkan iyo kuwa Mareykanka xidhiidhadii hore noogu socday iyo barnaamijyaddii ay ka qayb qaadan jireen socdaalkii u danbeeyayna imika Somaliland ku yimaadeen ee arrimaha doorashada iyo siyaasada ayaanu ka wada hadalay, xidhiidho hore u socday ayay ahaayeen si wanaagsan ayaanu meel isula dhigney, qabashadda doorashaduna waa xili go’an oo xeerka iyo nidaamka wadanka u yaala uu tilmaamayo, waxaa kale oo aanu la kulanay madax sare oo dalkan Kenya ka tirsan, maadaama aanu dalalka IGAD ka wada tirsanahay mandaqadana kuwada noolnahay, waxaanu ka wada hadalay arrimaha nabadgeliyada, iyo arrimaha siyaasada iyo sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka labada wadan, gaar ahaan xidhiidhka siyaasadeed iyo ganacsi labadaba, iyo sidii xafiiskii qunsuliyadooda Hargeysa looga furilahaa, hawlahaasi meel aad iyo aad u fiican ayay marayaan, is faham aad u wanaagsana waanu ka gaadhney”

Gudoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo isna goobtaasi ka hadlay ayaa yidhi “Safarkayagu waxaa uu salka ku hayay laba arrimood, midi waa doorashadii dawlaha hoose iyo baarlamaanka oo aanu aad ugu rajo weynahay inay qabsoomaan December 12-keeda, oo muddo badan dib u dhacay oo buuq naga dhexgal oo aanu buuqi soo afjarno, iyo inay naga go’an tahay doorashaddaasi inay qabsoonto oo aanu warbixintii siineynay, ta kalena waxaa weeye inaanu qadiyada Somaliland maadaama aan Geeska ku jirno in aanu doorkayaga ka qaadano, taasina waa ta aanu IGAD kula kulanay aad iyo aad waxaa aanu ugu mahad celineyna safiiradii, xildhibaanadii madaxdii Kenya ee sida wanaagsan noo qaabilay iyo Illaaha safarkayaga ka dhigay safar guul wata”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply