Maareeyaha Hay’adda Wadooyinka oo Kormeeray Dhismaha Jidka Baligubadle

0
699

Baligubadle (Dawan)- Maareeyaha hay’adda wadooyinka Somaliland mudane Cismaan Sheekh Cabdi Sheekh Yuusuf iyo guddida gacanta ku heysa ayaa soo kormeeray hawsha dhismaha jidka wadada Baligubalde oo meel fiican maraya, taasi oo dhawaan laga bilaabay 15-km oo jid cade ah.

Maareeyaha hay’adda waddooyinka Somaliland waxaa uu tilmaamay in ka xukuumad ahaan ay gacan weyn ka geysan doonaan sidii uu u dhameystirmi lahaa jidka Baligudbale iyo Hargeysa.

Maareeyaha hay’adda wadooyinka Somaliland mudane Cismaan Sheekh Cabdi Yuusuf ayaa soo jeediyay in bulshadu u midowdo horumarka waxaanu yidhi “Waxaa ILLAAHEY mahadiya in aynu dhiirigalin sameynay in aanu hogaaminay idinkuna aad aqbasheen, gacmihii is wada qabsateen, oo aad caawiko ka geysateen hawshan xoog iyo xoolaba. Maanta waxaa aanu dareemaynaa oo aanu ku faraxsanahay sida aad heeganka ugu tihiin iyo qaybta libaax leh ee aad ka qaadateen haddii aad tihiin bulshaweynta ka soo jeeda gobolka Hawd iyo deegaanada hoos yimaada, Alxamdulilaah madaxweynuhuna waa inoo diyaar wuu nagu dhiirigaliyay imikana wuu nagu dhiirigalinayaa ka qayb qaadashadda dhanka xukuumadda ee dhismaha jidkani.

Anaguna ka hay’add ahaan diyaar ayaanu idiin nahay wixii aanu idinla qaban karno dadku inta hadal iyo wax kale laga sheekeynayo waxaa mihiima inay horumarka u midoobaan oo muruqooda iyo maalkooda iyo maskaxdoodaba isugu geeyaaan”

“Maanta waxaa aynu joognaa gaba-gabadii 14-kii km ee magaala Dhiish iyo Gunburaha u dhaxeeyay, 13 ka mid ah Carakaawadii ayaa taalla, 1-km ayaa hadhsan 7-km-na waa la farashay oo garaacistii ayaa u hadhsan, waxyar ayaa nagu hadhay Insha Allah intaasi yarna waanu dhameystiri doonaa” ayuu yidhi Khadar oo ka mida gudida gacanta ku heysa dhismaha jidka Baligudbale.

Gudoomiyaha gudida dhismaha wadada Baligubadle Sheekh Mubaarig Muuse Faarax ayaa baaqa dhameystirka jidka Hargeysa iyo Baligubadle u diray qurbajoogta gobolka waxaanu yidhi “Wax u qalma ILLAAHEY ayay ka heli doonaan sumxaana watacaala, marka wax wada qabsi ayaynu wax ku qaban karnaa, waxaanu ka sugeynaa dadweynaha iyo bulshada qaybaheeda kala duwan wadadii waa ay dhaqaaqday weydiinka arkaya sida quruxda badan ee ay u socoto waxaa la idinka rabaa in Shidaalka ka qayb qaadataan, oo Cara-kaawada ka qayb qaadataan, oo Rugleyda ka qayb qaadataan, oo kirada ciida xata lagu qodayo aad ka qayb qaadataan.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply