Guddoomiyaha Gobolka Sanaag oo Ka Hadlay Halka uu Ku Dambeeyau Kornayl Caare

0
859

Hargeysa (Dawan)- Gudoomiyaha gobolka Sanaag Maxamed Axmed Caalin Tiinbaro ayaa ka hadlay xaalada dhinaca nabad galyada ee gobolka Sanaag, iyo halka ay ku dambaysay hawshii jabhadda kornayl Caarre.

Gudoomiye Tiiinbaro waxa uu sheegay in hawshii Jabhadda Falaagada ah ee Kornayl Caarre ee gobolka Sanaag ay gaba gabo ku dhawdahay, isaga oo xusay inay dib u soo xareeyeen ciidankii uu kaxaystay.

Guddoomiyaha gobolka Sanaag mudane Maxamed Axmed Caalin Tiinbaro waxaa uu sidan ka sheegay mar uu shalay warbaahinta kula hadlayay magaalada Hargeysa.

Badhasaabka gobolka Sanaag Maxamed Axmed Caalin (Tiinbaro) isaga oo ugu horreyn arrimahaasi ka hadlayayna waxaa uu yidhi “Xaalada gobolka Sanaag aad iyo aad ayay u degan tahay, roobab badan ayaa ka da’ay gobolka khasaarahoodu wuu iska yaraa, dhimashada laba qof iyo dhaawaca hal ruux uun bay geysteen, xoola badan oo Ido u badanina aad ayay ugu dhinteen, isgaadhsiintii tuulooyinka ee xaga waddada khasaare badan ayuu u geystay roobkaasi oo ilaa baabuur sagaal habeen ku jirtay ayaa la ii soo sheegayay”

Dhanka kale waxa uu sheegay inaanay jirin xaalad deg deg ah oo khusaysay gobolka Sanaag “Xaalad deg deg ah oo anaga na khusaysay may jirin, waxaana looga jeeday in la soo qabto gacan ku dhiiglayaashii saraakiisha dilay, hawshaas ciidan mooyaane laakin wax bandoo ah oo aanu maamul ahaan aragnay ama naga hirgelay oo naga socday may jirin, laakiin ciidanku hawl sidii hore ka duwan oo booliska ayuun baa nabada lagu halayn jiree in maca milatarigu la hawl galo oo nabad galyada gacanta wax lagaga qabto ayuun bay ahayd taas ciidankuna way socotaa laakiin wax kale oo culays ah oo dhibaato ah oo ay nagu haysay ma jirin”

Guddoomiyaha gobolka Sanaag sidoo kale waxaa uu sheegay inay dib u soo celiyeen ciidankii uu kornayl Caare ka xaystay, haatana uu ka dhoofi doono goobta uu hada ku sugan yahay waxaanu yidhi “Kornayl Caarre ciidankiisii waanu ka soo celinay isaguna shakhsi ayuu noqonayaa, tignikadiina meel ayuu ku xaraystay waxaana laga yaabaa in isaguna uu dhawaan inaga dhoofaba markaa imika hawl culus inaguma hayo oo waa iska gaba gabo”

“Dhibaatooyinka ugu weyni tii Ceel-afweyn ayay aheyd jifooyinkii waanu kala qaadnay qola walbana waxaa laga soo xareeyay mag dhan 594-halaad oo maga, go’aankaasina sidaasi ayuu ku hirgalay hada bulshadu waa ay is dhex socotaa, sanadkana mashaariic kala duwan ayaanu fileyna inay gobolka nooga hirgasho, gobolku waa mid qaniya xoolo ayuu leeyahay, Bad-buu leeyahay, macdan ayuu leeyahay oo weliba intaba la wada inti faacsado imika, macdantiisuna waa mid hada si toosa loo isticmaalo” ayuu yidhi gudoomiyaha gobolka Sanaag Maxamed Axmed Caalin Tiinbaro

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply