“WADDANI Waxaan Kula Talinayaa Inuu Dib u Derso Gobollada Codadkii u Badnaa Lagaga Helay oo aanu Xanaf ka Sheekayn” Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta

0
521

Hargeysa (Dawan)- Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdinaasir Cumar Jaamac ayaa sheegay in xisbiga WADDANI aanu xisaabtamaynin, taasina ay keeni doonto in doorashada dambe lagaga adkaado 160 kun oo cod.

Wasiir Ku xigeenku waxa kale oo uu xusay in shir beeleedka laga qaban qaabinayo Magaalada Burco aanu wax xumaan ahayn soo kordhin doonin. Waxaanu sidaas ku sheegay shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay magaalada Hargeysa.

Ugu horeyn Wasiir Cabdinaasir Cumar Jaamac oo ka hadlayey shirka laba beelood oo reer Burco ahi iclaamiyeen wuxuu yidhi “Burco maanta maalin ay ka fiican tahay ma jirto, reero is hor fadhiya oo islaynaya oo isku cadow ahina ma jiro, dadka leh beelo ayaanu heshiisiinaynaana ma jirto beelo is hor fadhiya oo is laynaya. Haddii laga tagi waayo laba reer oo ka mid ah reeraha magaalada Burco dega ayaa magaalada Ceel-afweyn dad isirkaas ku abtirsada oo ILAAHAY iyagana Ceel afweyn oo gobolka Sanaag ah ku abuuray ayaa xooggaa shaqaaqooyin ah oo laga yaabo bey’adda iyo deegaanku keeneen ayey dhex maraan. Qolyaha shirkaas ku hawlanna waxaan leeyahay waxay kaalini idiinka bannaan tahay sidii loo soo qaban lahaa gacan ku dhiigleyaashii dhibka halkaas ka geystay ee imika baxsadka ku jira,” ayuu yidhi Wasiir Ku-xigeenka Warfaafintu.

Wasiir Ku-xigeenka waxa kaloo uu intaas ku daray; “Waxa kale oo kaalini idiinka bannaan tahay sidii loo soo qabqaban lahaa ee loo soo afjari lahaa Arrinta Ceel-afweyn oo dad badanina u xidhan yihiin, xukuumadduna gacan weyn ka geysatay. Waxaan leeyahay waxay kaalini idiinka bannaan tahay sidii loo soo qabqaban lahaa ciddii dishay saraakiishii Ciidammada Qaranka inaad dawladda u soo gacan gelisaan oo aad halkaas kala shaqeysaan. Laakiin magaalada Burco oo horumarsan oo fiican in la yidhaahdo shir baa lagu qabanayaa, iyadoo aan waliba magaalada oo dad kaloo badan baa ku noole iyadoon lagala tashan, waxaan is leeyahay shirkaas wax uu soo kordhinayo oo xumaan aan ahayni ma jiro.”

“Nin Xigmaawi ahaa oo Aadan Jaamac Cawke la odhan jiray oo tijaarta dalka ka mid ahaa ayaa ILAAHAY ha u naxariistee xigmadihiisa waxa ka mid ahaa ‘Waar dagaalka miyiga magaalada lama keeno’ waxaan uga socdaa labadaas reer ee la leeyahay Burco ayaa lagu shirinayaa waxay labadaas beelood isir iyo dhiig la wadaagaan reeraha Ceel-afweyn isku laynaya. Macnaheedu waxa weeye dhibkii Ceel-afweyn ka jiray ayaanu Burco keenaynaa oo kaga arrinsanaynaa, wixii halkaas (Ceel-afweyn) ka jiraa in halkaas lagu dhammeeyo ayey ku wanaagsan tahay,” ayuu yidhi Wasiir ku-xigeenka Warfaafintu.

Md. Cabdinaasir Cumar Jaamac waxa kale oo uu ka jawaabay hadallo xukuumadda lagu naqdiyey oo ka soo yeedhay Xoghayaha Guud ee xisbiga WADDANI, waxaanu yidhi “Xoghayuhu wuxuu aad ugu dheeraaday oo uu madaxweynaha qaranka ku durayey inuu magacaabay Wasiirro iyo Wasiir ku-xigeenno aan tayo laheyn. Run ahaantii waxaan Xoghayaha u sheegayaa in madaxweynuhu magacaabay Wasiirro iyo Wasiir ku-xigeenno dalka iyo dadku mid u yihiin. Wuxuu magacaabay Wasiirro iyo Wasiir ku-xigeenno dadka middeynaya oo garanaya deegaan walba baahiyaha ka jira oo og duruufihii dalku soo maray. Markaa hadalkaas Xoghayuhu wuxuu ahaa mid gef iyo ceeb ku ah xisbiga.”

“Waxa aad iyo aad loo xusaa xanaftii doorashadu reebtay, waxa jirta oo dunidda oo dhan caan ah in axsaabtu ay ku kala xoog badan yihiin gobollada dalka. Xisbiga WADDANI waxaan kula talin lahaa inuu dib u derso gobolladii codadkii u badnaa lagaga helay oo aan xanaf iyo waxan laga sheekayn ee la yidhaahdo Togdheer barigeeda iyo deegaanno ka tirsan Sanaag iyo Sool ayaa nalagaga adkaadayoo sababtaas ayuu KULMIYE codkii nooga qaaday, laakiin isma lihi inta Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) inta uu leeyahay Axmed Maxamed (Siilaanyo) waan xukumi lahaa oo jeelka ayaan u diri lahaa, Guddoomiyaha Guurtiddana Saleebaan ayaan ka kaxeyn lahaa oo waxaan keeni lahaa Sh. Aadan isma lihi xisbigaasi wuu xisaabtamayaa, waxa laga hadlayaa 80 kune waxa lagaga heli doonaa 160 kun oo cod doorashada dambe,” ayuu yidhi Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta JSL.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply