Xukuumadda Somaliland oo Dhaam Biyoodkii Ugu Weynaa Ka Hirgelinaysa Degmadda Salaxley

0
961

Salaxley (Dawan): Xukuumadda Somaliland ayaa Bali-biyoodkii ugu weynaa oo lagaga gaashaamanayo biyo yaraanta iyo abaaraha soo noq-noqda ka hirgelinaysa degaanka degmadda Salaxley ee ka tirsan gobolka Maroodijeex.

Waana mashruucii ugu weynaa oo ay xukuumadu samayso ee lagaga faa’iidaysanayo biyaha roobabka ee dooxyadu ku daraan Badda. Iyadoo marka roobabku ay da’aan hada-na bilo kadib laga cawdo abaar iyo biyo la’aan.

Baligan oo ay qodistiisa ku baxayso lacag gaadhaysa 600, 000 oo dollar (lix boqol oo kun oo doolar), ayaa waxaa lacagtaasi bixinaysa xukuumadda Somaliland. Baligaasi oo qaadi kara biyo qadarkoodda lagu qiyaasay sideed iyo afartan kun oo mitir kuyuubic (48000m2).

Sida uu sheegay wasiirka wasaaradda biyaha Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali (Koore), oo hadal ka jeediyay munaasibadii dhagax dhiga bilawga Baligaasi. Waxaanay noqonaysaa tallaabadii ugu horaysay ee ay xukuumadda Somaliland kaga gaashaamanayso abaaraha iyo biyo la’aanta soo noq-noqda.

Baligan weyn ayaa lagu kaydinayaa biyaha roobka, isla markaana waxaa qodistiisa lagu dhamaynayaa muddo laba bilood ah.

Wasiirka oo faahfaahin ka bixinayay mashruucaasi, waxa uu yidhi “Mashruucan aanu hadda ka samaynayo Salaxley, waxaa ku baxaysa lacag dhan 5 milyan oo shillinka Somaliland ah, una dhiganta ilaa $600, 000 oo kun oo dollar.

Waxaanu is leenahay, dad fara badan iyo degaamo fara badan oo hoostaga degmadda Salaxley, ayaa si toosa iyada iyo dadkeedda iyo xoolaheeduba uga faa’iidaysan doonaan. Waxaanu is leenahay waa tallaabooyinka aanu rabno in aanu ku yarayno baahida biyaha iyo abaaraha iska soo daba noq-noqonaya”.

Baligan waxaa ka faa’iidaysan doona dadka iyo meheradaha magaaladda Salaxley iyo sidoo kale xoolaha iyo dadka reer guuraaga ah ee degaamadda ku xeeran Salaxley. Sida uu sharaxayo wasiir Saleebaan Cali Koore, “Waxa uu noqonayaa biyahan aanu qabanaynaa waa biyaha roobka. Waana Dhaam la ilaalinayo dhamaanba nadaafadiisa iyo agagaarkiisa, oo lagu xidhayo vence, oo laydh la gelinayo.

Biyaha waxaa ka soo qaadaysa waxa loo yaqaano Daynabo, magaaladda ayaa la gaynayaa Taangi ayaa loo samaynayaa. Xoolaha waxaa loo samaynayaa meelihii ay ka cabi lahaayeen. Dhamaantood waxay noqonayaan dadka iyo xooluhuba meel ay si fiican biyaha uga helaan, oo la ilaalinayo nadaafadda iyo hab nolosha” ayuu yidhi wasiirka biyaha Somaliland.

Wasiirka oo ka warbixinayay wakhtiga ay dhamaanayso qodista Baligaasi iyo qadarka biyaha uu qaadayo waxa uu yidhi “Mashruucaasi waxaanu is leenahay labadda bilood ee soo socda ayuu gebagaboobayaa, isla maanta-na (doraad) waa la bilaabay.

Markii hore Dhaamamka waa la balaadhin jiray, laakiin hadda awoodda waxaanu saarnay aqoon yahanadda iyo dadka dalalka kulaylaha ah anagoo ka faa’iidaysanayna, in Dhaamka hoos loo qodo.

Markaa wuxuu noqon doonaa Dhaam gudaha ku qaadda biyo fara badan, meeshii markii hore la wadhi jiray ee uu dheeraan jiray.

48000 oo miter cubic ayaanu doonaynaa in uu qaado Dhaamkani. Taasoo laba jeer ama afar jeer ka badan dadka iyo xoolaha degaankaba. Iyadoo xataa dadku ay beero u isticmaali doonaan”.

Geesta kale dhegaha bulshadda Somaliland kuma cusba in mashruuc la dhagax dhigo, hadaba muxuu mashruucani kaga duwan yahay kuwii hore loo dhagax dhigi jiray, ee aanay waxba ka hirgeli jirin.

Wasiir Koore, oo su’aashaas ka jawaabayay waxa uu yidhi “Mashruucani qaab-dhismeed ayuu leeyahay, lacag ayaa ku baxaysa. Markaa waxaan leeyahay si aadda ayaanu u daba gelaynaa, mid sidaas lagaga tegayo ma aha. Xataa waxa uu kaga duwan yahay mashaariicdii hore, kuwii ay hay’aduhu samayn jireen ma aha, waa lacagtii cashuur bixiyeyaasha reer Somaliland.

Marar badan dadka reer Somaliland waxay daneeyaan am aka hadlaan lacagoyaw shaqsi la siin jiray. Waxaan u aragnaa wax la wada leeyahay, oo ummadu ka wada faa’iidaysato hala sameeyo, halkii qof qof wax loo dooni jiray iyo gobo lama degmo iyo caasimad qaabkaa ummadu ha u doonato”.

Dhinaca kale hirgelinta mashruucan ayay si weyn u soo dhaweeyeen bulshadda degmadda Salaxley, kaasoo ay u arkaan mid wax ka bedeli doona baahidii ay u qabeen biyaha. Waxaanay xukuumadda Somaliland uga mahad naqeen hirgelinta Dhaam biyoodkan.

Dawannews Haregysa office

Leave a Reply