Wasiirka Isgaadhsiinta oo ka Hadlay Midho Dhalka Heshiis ay Hore ula Galeen Jaamacadda Hargeysa

0
479

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiadda Dr Cabdiwali Sheekh Cabdilaahi iyo Guddoomiyaha Jaamacadda Hargaysa Prof: Maxamuud Yuusuf Muuse,ayaa ka war bixiyay heshiis hore ay u wada gaadheen Jaamacadda Hargeysa iyo wasaaradda Isgaadhiinta iyo guulaha qaran ee heshiiskaasi soo hooyay ee midha dhalka noqday.

Wasiirka wasaaradda Isgaadhsiita oo faah faahin ka bixyay ujeedooyinka heshiiskaas laga lahaa ayaa sheegay in qodobada ugu muhiimsan ee laga duulayay ay ka mid ahaayeen in la helo adeeg isgaadhsiineed oo daboola baahida dadweynaha reer Somaliland ee loo adeegayo oo aanay dadku noqon kuwo laga shaqaysto oo keliya isla markaana aan loo dhaxayn bulshada iyo shirkadaha.

Waxaa kale oo uu wasir Dr Cabdiwali uu intaa raaciyay in dawladaha caalamka mid waliba ay leedahay xir iyo xog u gaar ah isla markaana qaran waliba mudnaanta koobaad uu siiyo illaalinta iyo dharwsanaanta xogta dawladda taasi oo uu caddeeyay in ka wasaarad ahaan ay arrintaa ku baraarugsan yihiin iyagaoo ka duulaya illaalinta iyo dhawrsanaanta xogta qaranka ee ku kaydsan laamaha dawladdana ay qaadeen tallaabooyinkii ku habboonaa. ’’Siyaasadeedu marka kowad waxaa weeyi in la hello technolojiyadd ay dawladdu bulshada ugu gudbiso adeeg hufan, sidoo kalena kharashka ku baxaya inuu noqdo mid u dhigma faa’iidada ay laamaha dawladdu ka helayaan, in la ilaaliyo xogta waxyaabaha ugu mihiimsan ee ay maanta dunidu ku kala duwan tahay waa xogta, laamaha dawladuna xog aad u qaaliya ayay hayaan, markaa in la ilaaliyo amaankooda iyo badqabkooda iyo in kor loo qaado adeegyadda loo fuliyo bulshada iyo in cilmi baadhis la sameeyo hadii kale horumarkaagu aad iyo aad ayuu u koobnaanayaa iyo in loo sameeyo halbeegyo iyo hagayaal iyo tilmaamo marka ay laamaha dawladu adeegsanayaan qalabkaasi , Siyaasadani waxaa ay gogol xaadh u tahay qaab Electronic ah in tusaale ahaan qofkii isaga oo gurigiisa jooga uu dalban karo ID-Card-kiisa, Basaaboorkiisa, uu lacagtii bixin karo uu adeegyo kale oo sida biyaha oo kale isaga oo gurigiisa jooga uu bixin karo’’Ayuu wasiirka wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiadda Dr Cabdiwali Sheekh Cabdilaahi.

Guddoomiyaha jaamacadda Hargeysa Pro. Maxamuud Yuusuf Muuse ayaa ka hadlay faa’iidooyinka heshiiska ay Jaamacadda Hargeysa iyo wasaaraddu wada galeen waxaanu yidhi ’’Haddii aan ku noqdo hawshatan oo ay soo waday kuliyadda ICT-gu sannadkii hore dhammaadkiisi ilaa hadda oo ay ka soo saartay daraasad ah bal qaabka adeegsiga Technolojiyada hay’adda dawladdu adeegsadaan, waana daraasad rasmiya oo soo baxday islamarkaana wax lagu qabsan karo iyo inay soo saarto xog rasmiya laguna fuliyo siyaasadii guud ee dawladda marka waddan waliba waxaa uu horumar ku gaadhay in aqoontii waddankiisa uu wax ku baadho’’

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply