Wasiirka Horumarinta Maaliyadda oo ka Hadlay Kor u kaca Dakhliga Dawladda iyo Shir Maanta Hargeysa ka Furmaya

0
594

Hargeysa (Dawan):- Wasiirka wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire,ayaa sheegay in sannadkan shantii bilood ee inna dhaafay wasaaradda maaliyaddu ay kor u qaaday dakhliga dalka u soo xerooday marka la barbar dhigo shan biloodkii sannadkii hore.

Waxaanu intaa raaciyay in aanay jirin wax cashuur ah oo ay dawladdu kordhisay laakiin ay dardar galiyeen oo keliya ka wasaarad ahaan uruurinta dakhliga maaliyadeed ee waajibay oo si sax ah loo soo xereeyo.

Waxaaa kale oo uu ka hadlay wasiir Dr Sacad shirweyne loo qabanayo hay’addaha maaliayadeed ee heer qaran oo maanta dalka ka furmaya iyo ujeedooyinka laga leeyahay oo uu caddeeyay in ay tahay in laga wada hadlo oo laga doodo horumarka ay sameeyeen hay’addaha maaliyadeed ee dalku iyo caqabadaha jira ee u baahan in laga gudbo.

Waxaanu sidaa ku sheegay wasiirka horumarinta wasaaradda maaliyadda Somaliland waraysi kooban oo uu siiyay wargeyska Dawan xalay.

Ugu horrayn wasiirka oo wax laga waydiiyay shirka maanta Hargeysa uga furmaya hay’addaha maaliyadeed oo wasaaraddu qayb ka tahay,ayaa yidhi. “shirka waxaa lo qabayanaya Hay’addaha maaliyadeed ee dalka oo isgu jira kuwa gaarka ah iyo baanka dhexe ee dawladda waxaana laga wada hadlayaa waxa weeye sidii loo daraasayn lahaa heerka ay marayaan hay’addaha maaliyadeed ee qaranku,markaan qaranka leeyahay hay’addaha maaliyadeed ee gaarka loo leeyahay waa hay’addo iyo shirkado gaar ah oo ganacsato leedahay hadana waa hay’addo qaran oo dalka ayaa leh oo dawladda ayuu xil ka saaran yahay in ay horumarkooda iyo kobocoodaba ka shaqayso meel wanaagsan ayaanay soo gaadheen o ay marayaan qorshuhuna wuxuu yahay in wax la iska waydiiyo heerka ay maanta marayaan hay’adaheena maaliyadeed iyo caqabadaha jira iyo sidii loo horumarin lahaa,shirkana waxaa ka qayb gelaya shirkadaha xawaaladaha isgaadhsiinta,caymisyada,sarrifleyaasha iyo ganacsatada,waxaa kale oo kala qayn gelaya Baanka dhexe iyo wasaaradda maaliyadda waxaanay tahay ujeedada ugu wayni in la falanqeeyo oo la daraaseeyo caqabadaha loo baahan yahay in laga gudbo ee horyaalla hay’addaha maaliyadeed ee dalka,waana shirkii ugu horreeyay ee noociisa ah ee lagu gorfeeyo heerka shaqo ee hay’addaha maaliyadeed ee dalka.”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata,ayaa intaa raaciyay. “waxaana la doonayaa in ay halkaa innooga soo baxdo qorshe siyaasadeed lagu horumarinayo shaqada hay’addaha maaliyadeed ee dalka.”

Wasiirka oo wax laga waydiiyay shan biloodka sannadkan in uu jiro kor u kac dakhli oo dawladda u soo kordhay,ayaa yidhi. “Shan biloodka sannadkan si wanaagsan ayuu kor ugu kacay dakhliga dawladda u soo xerooday marka la barbar dhigo shan biloodkii sannadkii hore,mana jirto wax cashuur ah oo dadweynaha lagu kordhiyay laakiin waxaan kor u qaadnay hannaanka dakhi uruurinta iyo nimaaminta cashuur qaadista oo aanu u samaynay hab ay ku soo wada xeroon karto waxaanan dar dar galinay so xeraynta dakhliga qaranka.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply