WEEDHA WARGEYSKA Qiiqa Dagaal ee Ka Baxaya Bariga Dhexe Saameynta Uu Ku Yeelanayo JSL

0
557

Gobolka Bariga Dhexe waxa ka aloosan darruuro dagaal oo durba saameyn ku yeeshay Gobolka iyo dunida inteeda kaleba, kadib markay habeenimadii Arbacadii dhulka soo dhigeen Ciidammada difaaca cirka ee dalka Iiraan diyaarad bilaa duuliya oo ah nooca wax basaasa oo ay lahaayeen Mareykanku, iyadoo isla toddobaadkii aan soo dhaafneyna ay laba Markab oo mid shidaal sidey ka kalena ku rarnaa iy kimilko oo laga kala leeyahay dalalka Japan iyo Norway lagu qarxiyey badda gacanka Cummaan ay Afar markab loogu qarxiyey marin badeedka ganacsi ee gacanka Hormuz bishii May 2019ka.

Mareykanka oo bilahan ugu dembeeyeyba Ciidmo laxaad ku soo daadgureenayey marinka oo ah ka 30% marinka u ah badeecadaha kala duwan ee dunida u kala goosha, ayaa dhacdadan u dembeysay ku noqotay mid lama filaan ah oo ku ridday jahawareer siyaasadeed, taasoo sabatay in Madaxweynaha Mareykanku ku hadlo weedho ka yaabiyey dunida .

Hadalkii Madaxweyne Trump ee habeen hore laga sii daayey Telefishanka CNNN ee uu kaga jawaab celiyey diyaaraddii Iiraan kasoo ridday, ayuu ku sheegay in toogashadii diyaaraddu ahaa mid si khalad ah uga dhacay Iiraan ama kollay qof xun, haseahaatee Taliyaha Ciidammada gaarka ee Ilaalada kacaanka Islaamka Iiraan, ayaa u sheegay Tvga Iiraan ee[ PressTv ] inay toogasho kusoo rideen diyaaraddaasi, kadib markay kusoo xadgudubtay xuduudahooda, isla markaana ka jawaabi weyday digniino ay siiyeen, isagoo intaa ku daray Taliyuhu in burburkii diyaaradda ay soo rideen kusoo dhacday gudaha Iiraan.

Geesta kale Kongareeska Mareykanka, ayaa aragtiyo kala duwan ka bixiyey tallaabada ku habboon ee lagaga fal celinayo diyaaraddii ay Ciidammada Iiraan la beegsadeen gantaalka. Xisbiga Dimoqraadiga ee dalkaasi ayaa soo jeediyey in dagaal laga fogaado oo la abaabulo sidii Iiraan loo go’doomin lahaa, iyadoo lala kaashanayo xulufada Mareykanka oo ay ugu horreeyaan Jarmalka, Faransiiska iyo Boqortooyada Ingiriiska,waxayna ku gooddiyeen inaan la qaadi Karin dagaal aanu ansixin Kongareesku. Dhinaca kale ee Xisbiga Jamhuurigu waxa ay soo jeediyeen in dagaal lagu qaado Iiraan, maadaama ay khatar ku tahay danaha Mareykan iyo ammaanka mandaqaddaba, inkastoo ay Mudanayaal kale oo isla Xisbigan ahi soo jeediyeen aragti taa ka yara dhaw oo ah, in la qaado weerarro xaddidan oo ku eeg bartilmaameedyo cayiman.

Arrinta kale ee sida aadka ah uga yaabisay dunida, waxay ahayd markuu isla habeen hore uu Madaxweyne Trump soo saareen laba war oo isburinaya oo ka hore uu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah dalka Iiraan, haseyeeshee haddana uu soo saaray war uu kaga noqonayo dagaalkii uu hore ugu dhawaaqay, kuna beddelay farriin uu Madaxda Iiraan usii mariyey Saldanadda Cummaan, taasoo ka madhan hanjabaadihii lagu yiqiin kuna sheegay farriintiisa inaanu dooneyn in Iiraan uu dagaal ku qaado, balse uu doonayo inay Tehraan ka wada hadlaan arrimo door ah, geesta kalena waqti kooban oo aan la shaacin ku cayimay kasoo jawaabista farriintiisa.

Farriintaa qoraalka ah ee Trump waxa markiiba gaadhsiiyey Iiraaniyiinta ergay ka socday Cummaan, kaasoo ay kadib markay ka guddoomeen u sheegeen ergaygii, in horeba uu u caddeeyey hoggaamiyaha dalka Iiraan inaanu wax wada hadal la galeyn Trump, haseahaatee haddana ay isaga I gudbinayaanfarriintan si uu go’aan uga soo saaro. Waxa kale oo uu intaa raaciyey mas’uulka reer Iiraan ee guddoomay farriintan u sheegay ergayga Cummaan, in dagaal kasta oo lagu soo qaado dalka Iiraan uu noqon doono mid saameeya Gobolka iyo dunidaba.

Dagaalka gulufkiisu ka socdo gacanka Badda Cas ee aan kulaalno, inkastoo hadduu dagaalkaasi qarxo noqonayo mid saameyn ku yeesha Caalamka intiisa badan, haddana marka si gaar loo eego wuxu saameynta ugu weyn ee kowaad ku yeelanayaa dalalka Khaliijka oo uu kasoo gaadhi doono khasaare hantiyeed oo mood iyo noolba iyo mid nafeed, maadaama dalalka khaliijka intooda badani qeyb ka yihiin dagaalka la hurinayo, sidoo kalena waxa uu saameyn aan yareyn ku yeelanayaa Gobolka geeska Afrika,gaar ahaana Jamhuuriyadda Somaliland oo marinkeeda ganacsigu yahay kan hadda qiiqaya siiba dhinaca quutal-daruuriga iyo shidaalka. Intaa waxa sii dheer in Gobolkaa ay innaga soo butaaci doonaan qaxooti badan, iyadoo la ciirciireysa Somaliland Qaxootiyo hore oo u badan dalalka Yamen iyo Itoobiya, sidaa drteed waa lagama maarmaan inaan sii diyaarsano qorshayaashii lagaga dabbaallan lahaa.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply