Wasaaradda Gaashandhiga oo Wada Qorshe Lagu Cidhibtirayo Miinada

0
902

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda gaashaandhiga Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid) ayaa shalay furay kulan lagu gorfaynayo sidii kor loogu qaadi lahaa nidaamka lagu nadiifinayo miinada dalka, kaasi oo qorshaha guud ee Somaliland uu yahay sidii 2030 dhammaan dalka oo dhan looga nadiifin lahaa miinada ku aasan amaba walxaha qarxa ee dhulka guudkiisa saran.

Arrintan ayaa lagu sheegay kulan lagu qabtay magaalada Hargeysa, gaar ahaan Hotel Maansoor, waxaaana ka soo qayb galay Maareeyaha hay’adda wadooyinka qaranka, madaxda ugu saraysa hay’adda Miino saarka ee THE HALLO TRUST, masuuliyiin kale oo ka kala socotay qaybaha kala duwan ee daneeyayaasha wax ka qabashada Miino saarka.

Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Wadooyinka Cismaan Sheekh Cabdi Yuusuf, ayaa sheegay in ay ka wakaalad ahaan wada shaqayn weyn leeyihiin qaybaha kala duwan ee ka shaqeeya wax ka qabashada Miinada waxana uu xusay in ay qaybtooda ku aadan ee dhanka horumarinta wadooyinka ay wadaan taasi oo ay bar-bar socoto sidii miinooyinka looga saari lahaa meelaha lagu tuhmo in ay ku jiraaan.

Mid ka mid ah masuuliyiinta hay’adda miino saarka ee The Hallo Trust ayaa sheegay in ay wadaan dadaalo faro badan oo ay wax uga qabanayaan miino saarka dalka waxa kale oo uu xusay in ay mudo dheer wadeen sidii ay dalka uga nadiifin lahayeen miinada hadhaadiga ah ee ka hadhay dagaaladii kala danbeeyey ee ka dhacay Somaliland kuwaasi oo garab ka helaya hay’ddaha dowladda ee ku shuqul leh arrimahaasi oo ay ka mid tahay hay’adda SMAC oo hoos timaada wasaaradda gaashaandhiga.

wasiirka wasaaradda gaashaandhiga mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid), ayaa sheegay in ka wasaarad ahaan ay si weyn uga shaqaynayaan sidii miinada wax weyn looga qaban lahaa waxa kale oo uu xusay in himialada dowladda Somaliland ay tahay in 2030 ay Somaliland noqoto goob ka bad qabta walxaha qarxa kaasi oo aad u dhiiri galiyey dhamaan shaqaalaha kala duwan ee ku hawlan wax ka qabashada miino saarka dalka oo iskugu jira kuwo dowladdu maamusho iyo hay’addo madax banaan.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply