Xukuumadda oo Sheegtay in Ayax ka Dilaacay Deegaano Ka Mida Somaliland

0
677

Boorama (Dawan) Wasiirka wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland Mudane Axmed Muumin Seed ayaa sheegay in deegaanno ka mid ah gobollada Awdal iyo Saaxil uu ka dillaacay Ayax, kaasi oo faro-baas ku haya wax soo saarkii beeraha.

Wasiirka beeruhu waxaa uu xusay in deegaannada ay Ayaxu ka dillaacay ay ka mid tahay degmada Lughaya ee gobolka Awdal iyo bariga gobolka Saaxil. “Waxa ka dillaacay bariga Berbera Ayax marka uu dillaacayo la yidhaahdo Koronkor, Ayaxaas wuxuu nagaga yimid Xeebaha Buuraha Golis, dooxa Guban ayuu ku soo horreeyay, Lafa-ruug ayuu soo maray, Xalay wuxuu u hoyday Shacabaleey iyo Go’da yar iyo dooxa weyn Gulaalay. Ayaxu wuxuu sidoo kale ka dillaacay degmada Lughaya, Dadku siday ii soo sheegeen Gargaara, Garaaxo, Usuli, Karuure, Ceel la helay iyo Ceel Sheekh waa laga soo sheegay iyo Agabar-na waa laga soo sheegay oo wuu ka dillaacay, markii aan warkaasi helay waxaan Emailo u diray hay’adda FOA iyo urrurka kaantarooladda Ayaxa ee fadhigoodu yahay dalka Itoobiya oo aanu marka u horeysaba aanu qaylo dhaan u dirno jawaab deg degana Insha ALLAH waan ka sugaya, sidoo kalena waxaa uu ka dilay degmadda Lughaya, sida Osoli iyo Gargaara Karuura, Ceel-la-helay iyo Ceel Sheekh intaba, iyo Agabar, marka waxaan dhab ahaantii hay’addaha marka waxaanu ka codsaneyna hay’addaha ku shaqada leh wax aan iskaga difaacno’’ ayuu yidhi.

Wasiir Axmed Muumin Seed ayaa bulshada ugu baaqay in taayirada gadiidka iyo wixii qiiq samayn kara ay ku shidaa, waxana uu yidhi ‘’Bulshada waxaan ugu baaqaya taayiro iyo wixii kale ee aad ku shidi kartaanba ku shida ee aad kula dagaalami kartaan Ayaxaasi, waayo marka uu qiiq arko meeshaasi waa uu ka guuraa, waxaa aan ku boorinaya beeraleyda reer Somaliland in mar walba ay wasaaraddu garab taagan tahay oo ay u heelan tahay arrimahooda’’

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply