Dhallinayarada Shaqo Qaran oo Tartan u Gelaaya Shaqadoodii ugu Horaysay

0
481

Hargeysa (Dawan)- Agaasimaha barnaamijka Shaqo Qaran Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’adinka) ayaa dhallinyarada Barnaamijka Shaqo qaran u soo bandhigay fursado halw qabad oo ka bannaan shirkada Singapore New Silk Somaliland Energy Company.

Agaasime Maxamed Xuseen ayaa dhallinyarada u sheegay in la gaadhay wakhtigii ay u diyaar garoobi lahayeen imtixaanka loogu tartamaayo fursado shaqo oo ka bannaan shirkada Singapore New Silk Somaliland Energy Company. waxaanu ugu baaqay in ay tartankaasi ka qayb galaan, islamarkaana soo xareeyaan CV-yadooda iyo shuruudaha kale ee looga baahan yahay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa barnaamijka shaqo qaran daah-furay saddexdii bishii saddexaad ee sannadkan isaga oo sheegay in barnaamijka shaqo qaran looga dan leeyahay in danta guud xil la iska saaro.

Ujeeddada barnaamijka carbiska shaqo qaran looga dan lahaa ayaa waxa kamid ah, dhiirrigelinta dhallinyarada iyo kor u qaaddida dhaqanka mutadawacnimada iyo iskafaalo-qaadka bulsheed, sugidda caddaaladda iyo u sinnaanta bulshada ee fursadaha shaqada, tababarka iyo shaqo-gelidda, waxana loogu talo galay dhallinyarada muwaadiniinta ah ee ka soo qalinjabisa jaamacadaha dalka iyo kuwa dibadda, ka qaybgalkiisuna waa ikhtiyaari.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply